Sign in to follow this  
General Duke

Government spokesmen rebukes comments [Hiiraale afraid of courts]

Recommended Posts

DFKMG ah oo ka jawaabtey eedeyntii Barre Hiraale

28 Jun 28, 2007 - 7:25:03 AM

 

 

Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo sheegay in qaraxii lala beegsaday gaarigiisa shalay in ay ka danbeeyeen Madaxda sare ee dowladda KMG gaar ahaan Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

 

Afhayeenka dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-Doon ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyntaasi isagoo ugu baaqay Barre Hiiraale in hadalkaasi meel ka dhaca ku ah dowladda Federaalka uu raali galin ka bixiyo.

 

“Waa wax laga xumaado in xildhibaan ka tirsan dowladda uu ku eedeeyo qarax lala beegsaday gaarigiisa madaxda dowladda” ayuu yiri Afhayeenka dowladda KMG Cabdi Xaaji Goob-Doon oo hadalkiisa sii raaciyay in qaraxyo la mid ah kii lala beegsaday ay ka dhacaan magaalada Muqdisho oo sababa dhimasho iyo dhaawac.

 

Afhayeenka dowladda KMG ayaa sheegay in guriga ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi qof ismiidaamiyay qarax la beegsadey ayna tahay in xildhibaanku isweydiiyo sababta uu eedeynta ugu jeedinayo madaxda dowladda xilli qaraxyo lala beegsanayo.

 

Barre Hiraale ayaa horey looga xayuubiyay xilka wasiirka gashaandhiga kadib markii lagu soo eedeeyay xill gudasho la'aan.

 

Akhri eedeyntii Hiraale

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF Soomaaliya oo si kulul uga jawaabtey eedeyn ka soo yeertey Col.Hiiraale

 

 

Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtey eedeyn ka timid wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Col.Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) taasi oo uu ku sheegay in weerarkii qarax ee shaley lala maaganaa ay ka dambeeyeen masuuliyiinta dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Afhayeenka xukuumada KMG ah Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Col.Barre Hiiraale ee ku aadanaa in weerarkii lagu khaarajin lahaa ay ka dambeeyeen madaxda sar sar ee Dawlada Federaalka KMG ah ee eSoomaaliya, uu yahay hadal gef ah oo aan loo hayn wax qiil ah, waxaana uu ka dalbadey Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) in uu ka bixiyo cudur daar cad.

 

Cabdi Xaaji Goobdoon wuxuu sheegay in golayaasha dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay yihiin kuwa isku mid ah oo ay leeyihiin hal cadow, sidaasi darteed ay tahay hadalka ka soo baxay Col.Barre Hiiraale mid aan laga fiirsan.

 

Hadalkan ka soo baxay afhayeenka xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo shaley magaalada Baardheere weerar lagu dhaawacay Col.Barre Hiiraale oo ku tilmaamay qaraxaasi waa sida hadalka uu u yiriy'e mid ay ka dambeeyeen madaxda sar sare ee dawlada KMG ah ee Soomaaliya, walow Xildhibaanku aanu muujin wax cadeymo ah marka laga reebo eedeynta arintaasi uu ka muujiyey.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka siyaasada Somaliya falanqeeya ayaa sheegay sababta Barre Hiiraale uu qaraxa qolyaha maxkamaduhu la beegsadeen ugu eedeynayo dawlada KMG ah inay la xiriirto baqdin uu ka qabo inay qaarajiyaan qolyaha wax qarxiya. Isagoo rajo ka qaba hadduu dawlada ka horyimaado inay naftiisu badbaadi doonto. :D:D:D

 

A coward dies a thousand times.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this