Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Kulan Wacyigelin Bulsha ah Uga Qeybgalay Garasbaaley

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Deegaanka Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan isugu jiray Wacyigelin Bulsho, soo bandhigista wax-qabadka Maamulka Garasbaaley iyo dardargalinta Barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga XFS, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiir Kuxigeeno, Xildhibaano, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Odiyaasha dhaqanka deegaanka iyo Bulshada qeybahooda kala gedisan.

Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray ka hortaga dhammaan waxyaabaha amniga lidka ku ah, dagaalka ka dhanka ah dagaalmayaasha Al-Shabaab Muqaadaraadka, la dagaalanka Kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta hantida shacabka iyo dhallinyarada la baxday Ciyaal Weerada oo halis ku ah xasiloonida Caasimadda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this