Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo warbixin laga siiyay Amniga Caasimada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1678277343717.jpg?resize=720%2C51

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane,  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,  ayaa shir Guddoomiyey Fadhiga 6-aad ee Guddiga joogtada ah ee  Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah horyimi wasiirka amniga Puntland, taliyaha ciidanka Booliska, taliyaha la-dagaalka argagixisa, taliyaha qeybta gobolka nugaal,  guddoomiyaha gobolka nugaal  iyo   duqa degmada garoowe, iyagoo Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey amniga caasimadda Puntland ee Garoowe.

Dhinaca kale, Guddiga joogtada ah ayaa su’aalo ka waydiiyey mas’uuliyiinta sare ku xasan warbixinta ay la wadaageen, caqabadaha jira iyo qorshaha horumarinta amniga caasimadda Puntland ee Garoowe.

Ugu dambeyn, Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilladu waxay mas’uuliyiinta sare ku xusan ku booriyeen in ay dar-dargelinyaan wax ka qabashada amniga caasimadda iyo la dagaallanka maandooriyaha oo dhibaato weyn ku haya amaanka magaalada Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo warbixin laga siiyay Amniga Caasimada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this