Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse” Gabdhaheenna Soomaaliyeed Waa Kuwa Karti Badan”

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kaga qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Haweenka Adduunka ee 8da Maarso ayaa ku ammaanay Haweenka Soomaaliyeed kaalinta ay kaga jiraan horumarinta bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in hooyadu ay tahay laf dhabar iyo aas-aas muhiim u ah jiritaanka qoyska iyo qaranka.
Mudane Xamse ayaa xusay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa ilaalinta Xaquuqda Haweenka iyo doorkooda ku aadden ka qeyb galka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.
“Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go’an gabdhaha Soomaaliyeed in la ilaaliyo, gabdhaha Soomaaliyeed in wax la baro, gabdhaha Soomaaliyeed dhaqaalahooda in kor loo qaado oo xaquuqdooda gabarnimo iyo midda Ilaahay siiyey la difaaco, shaqada markii la galay ee Wasiirro la noqday gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu kartida badan, uguna musuqa yar”.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyay Haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin amniga iyo dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah, isaga oo uga mahadceliyey kaalintooda muhiimka ah, ee aadan dhinac waliba oo ay dowladnimada iyo arrimaha bulshada ay kaga jiraan,
334549364_150878811196320_38534282467417
334966133_160865573449607_60589748175579
334544426_946176723395978_59801166372310
332773208_3514425555546524_8845078764011
334967664_1392716341558267_5492791499899
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this