Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Somaliland oo ‘dilal horleh ka geystay’ Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Laascaanood.jpg?fit=1280%2C960&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladdda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli ah mid cakiran, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo magaaladaasi ka wada ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka

Wararka ayaa sheegaya in xalay Laascaanood ay ka dhaceen shaqaaqooyin sababay dhimasho oo soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Ciidamada Somaliland ayaa lagu eedeeyay in ay laba qof oo shacab ahaa ay xalay ku dileen gudaha magaalada Laascaanood, kadib rasaas ay ku fureen goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Labada qof ee la dilay ayaa ka tirsanaa shaqaalaha Wakaaladda Biyaha ee magaalada Laasvaanood, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan dilalka lagu eedeeyay ee xalay ka dhacay Laascaanood.

Xaaladda ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana sidoo kale cabsi laga muujinayaa in markale uu dagaal dib uha qarxo magaaladaasi.

Somaliland, ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulantay dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool, kaas oo qaatay ku dhowaad muddo bil ah.

Labada dhinac ayaa dhagaha ka fureystay baaqyada nabadda ee loo dirayo, si loo qaboojiyo xiisadda dagaal ee ka taagan halkaas.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta magaalada Laascaanood oo faraha ka baxday, kadib markii uu dhiig badan ku daatay maagaaladaasi oo dhacda waqooyiga Soomaaliya.

The post Ciidamada Somaliland oo ‘dilal horleh ka geystay’ Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this