Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxaa Looga Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa guddoomiyey shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Soomaali Dunida Heshiis La ah, kaasi oo looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbo joogta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.
Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah kuna jira xabsiyo kala duwan, kuwaas oo baahi wayn u qaba in loo fududeeyo sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahayeen iyagoo nabad ah.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay ka go,an tahay sidii muwaadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee adduunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo, isagoo intaa ku daray in dowladdu muhiimad gaara siinayso qurba -jooga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka oo kaalin wayn ugu jira dowladnimada Soomaaliya.
333716964_219375803958175_59731158264165
333016573_550623597046318_74494521791742
333713758_3164915987141505_3436914957095
333017208_723049559526834_39619272741236
333044388_725583209294681_27714826003363
All reactions:

90Aadan Shakuur, MukhTar Moha Hussein and 88 others

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this