Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’ada FAO oo sheegtay in laga baaqsaday macluul ka dhici lahayd Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa sheegtay in la baajiyey macluushii laga cabsi qabay inay ka dhacdo Soomaaliya balse weli malaayiin qof ku sugan yihiin cunno yari.

FAO ayaa sheegtay in maalgashi istiraatijiyad ku salaysan loo baahan yahay si loo wanaajiyo cuntada iyo biyaha ay helayaan malaayiin qof oo Soomaali ah.

War-saxaafadeed shalay kasoo baxay magaalada Rome ayey hay’addu sheegtay in nolosha iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha ee malaayiin qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin.

Hay’adda FAO waxay ku baaqday in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka degdegga ah ee bani’aadaminnimo iyadoo dhinaca kalena la xoojinayo soo kabashada dadka.

FAO waxay sheegtay in gargaarka bani’aadaminnimo uu ka hortagay macluul ka dhacda qaybo ka mid ah Soomaaliya ilaa haatan, balse malaayiin qof oo Soomaali ah ay weli haystaan dhibaatooyin ka imanaya cunno yari.

PUNTLAND POST

The post Hay’ada FAO oo sheegtay in laga baaqsaday macluul ka dhici lahayd Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this