Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Islamic Bank officials meet admin.

Recommended Posts

Wafdi ka socda Bangiga Islaamiga oo la shiray Dowlada Puntland

Last Updated::2007-02-08 13:55:32

 

Garowe:- Weftigan ayaa waxa magaalada Garowe si diiran ugu soo dhoweeyey Golaha xukuumada DGPL oo uu horkacayo Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga Mudane Cabdi Salaad Cali.

 

Soo dhoweynta ka dib ayaa waxa ay weftiga iyo golaha xukuumada shir ku yeesheen xarunta Madaxtooyada ee DGPL.

 

Shirkan ayaa waxa shir guddoominayey Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka cCalamiga ah, waxaana goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada DGPL Caydaruus Cismaan Yusuf.

 

Waxaana halkaasi ka soo jeediyey warbixin ku saabsan mashaariicda ay u baahan yihiin DGPL Mudane Cabdi Salaad Cali Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay ka jirto baahiyo faro badan loona baahan yahay waxqabad dhab ah.

 

Intaasi ka dib ayaa wefigu waxa uu ka warbixiyey waxyaabaha ay u socdeen ee ah horumarinta mashaariicda la xiriirta dhinaca Bangiyada, wuxuuna wafdigan soo mari doonaa magaalooyinka Puntland ee Gaalkacyo iyo Laascaanood.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^They need to do more to build up the capital of Puntland..

 

Duqa degmada Boosaaso oo maanta qado sharaf u sameeyay saraakiil ka socota Baanka Islaamka

Last Updated::2007-02-09 17:51:08

 

Boosaaso:- Gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Boosaaso ayaa

maanta qado sharaf u sameeyay masuuliyiin ka socotay bangiga Islaamka oo booqasho ku joogta magaalada Boosaaso.

 

Qado sharaftan oo ay sidoo kale goob joog ay ka ahaayeen masuuliyiin ay kamidyihiin Wasiirka dekadaha kaluumaysiga iyo khayraadka badda Siciid maxamed raage iyo ku xigeenkiisa C/wali C/raxmaan gayre, xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada Boosaaso, khaliif ciise mudan oo ah ganacsade wayn, gudoomiyaha hay’adda tadamun C/laahi sh. Xasan iyo marti sharaf kale.

 

Ugu horayn kulankaasi qado sharafka ahaa ee loo sameeyay masuuliyiintan ka socota baanka Islaamka ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Boosaaso Khadar Cabdi xaaji mire oo xubnahan ajnabiga ah uga mahad celiyay waxqabadka wanaagsan ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

 

Sidoo kale masuul u hadlay xubnahan ka socda baanka Islaamka oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Saalim ayaa halkaasi ka sheegay waxyaalihii bangiga Islaamku ka qabtay Puntland gaar ahaan wixii ka dambeeyay masiibadii sunaamiga.

 

Masuulkan waxaa uu sheegay inay gargaar gaarsiiyeen magaalooyinka Gaalkacyo qardho burtinle iyo xaafuun iyadoo dhawaana ay 25 laash ay ugu deeqeen qoysaskii ku waxyeeloobay musiibadii badda gunteeda hoose ka dhalatay ee Sunaamiga gaar ahaan degmooyinka Eyl iyo dangoroyo ee gobolka Nugaal.

 

C/risaaq Cismaan Bulqaas

ccbulqaas@hotmail.com

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this