Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaadka Guud Ee Beesha Dhulbahante Oo Shaaciyay Go’aan La Xidhiidha Dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee Sool clan ayaa markale ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Garaad Jaamac ayaa waxa uu sheegay in xilligaan aanay suurta-gal aheyn in dagaalka Laascaanood xal lagala gaadho Somaliland, taasi oo u sababeeyay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi Cabdi.

“Muuse oo jooga nidaamka oo waxaan geystay, umaleyn maayo in la wada fadhiisan karo. Arrintan waxaa ka baqeyna in saameyn bulsho oo fog inay ka dhalato,” ayuu yidhi Garaad Jaamac.

Garaad Jaamac ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi in uu weerar isir-sifeyn kula kacay Laascaanood, illaa haddana uu ku madax adeygayo, taasi oo gebi ahaanba baalmarsan dhawaaqii kal hore kasoo baxay maamulkiisa, sida uu sheegay.

Mowqifka garaadada beesha Sool clan ee ku saabsan wada-hadal ay la galaan madaxweyne Muuse Biixi ayaa sii dheereyn karta in waqti dhow xal laga gaadho xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, xilli ay dowladda Itoobiya ay billowday dadaalo nabadeed.

Dowladda Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay waday waan-waan labada dhinac la iskugu dhaweynayay si ay xabad joojin uga dhaqan-gasho Laascaanood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this