Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ku billowday is-miidaamin oo lagu qaaday xerada Janaay Cabdalle

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarax-1.jpg?fit=1080%2C486&ssl=1

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo ay saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xogan dagaal toos ah oo u dhexeeyay raggii weerarka qaaday iyo ciidamada darawiishta Jubbaland ee ku sugnaa xerada la weeraray.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay cagta mariyeen saldhigga, kadib qaraxyo iyo dagaal culus oo ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare lixaadleh oo ka dhashay weerarkan, waxaana ku dhintay saraakiil iyo askar badan oo ku sugneyd saldhigga Janaay Cabdalle.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in weerarka oo gaadmaa ahaa uu dhacay xilli aroor ah, isla-markaana ay inta jiifeen ciidamada deggan saldhiggaasi, taas oo fursad badan siisay xoogaga Al-Shabaab weerarka la beegsaday xerada Janaay Cabdalle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaaca ka qaaday in dishay saraakiil iyo askar ku jirtay xeradaas oo ay sidoo kale sheegtay inay qabsatay.

Saraakiisha weerarka ku dhintay waxaa kamid ah Carab Maxamuud oo kamid ahaa ilaalada madaxtooyada Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku aadan weerarkaasi khasaaraha badan dhaliyay.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada dheelmashada ah, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidanka huwanta howlgallada ka wada gobolllada.

The post Weerar ku billowday is-miidaamin oo lagu qaaday xerada Janaay Cabdalle appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this