Deeq A. Posted March 7, 2023 Ma cid baan ogeyn In arrinta Ururrada Siyaasaddu 80% In ay ahayd arrin siyaasaddeed oo duruufo keeneen? Ma cid baan ogeyn in duruufihii keenay ay ka mid ahaayeen. 1- Natiijadii doorashadii Isku sidkanayd 2- Doorashadii Cabdirisaaq Khaliif 3- Wareejintii Guddoomiyaha Waddani Ma cid baan ogeyn In hadafka lagu gaadhay ahaa muddo kordhin 2 sanno ah Ma cid baan ogeyn in hadafkii ahaa in lagu wiiqo awoodda mucaaradka, gaar ahaan Waddani ay shaqayn weyday. Ma cid baan ogeyn in duruufaha siyaasaddeed ee maanta taagan saamayn karaan arrimaha Ururrada, waayo aragtiyihii lagu ololaynayey ee weliba Madaxweynuhu dabada ka riixayey dhaawac ayaa soo gaadhay, taas oo ahayd In Beelaha Darafyadu Xisbi yeeshaan. Ma cid baan ogeyn In duruufaha taagani meesha ka saari karaan Ururrada, sababahan dartood 1-In aanu weli jirin heshiis isla ogol yahay oo dhinacyada siyaasaddu gaadheen 2- in aanu jirin Xeerkii lagu dooran lahaa 3- Ururro muhiim ahi hoggaamiyeyaashoodii iyo aasaaseyaashoodu ka baxeen siyaasaddii 4- Cadaadiska Beesha Caalamka ee ah in 9 bilood ee Komishanka lagu qabto doorashada 5- Culaysyada siyaasaddeed ee saaran Madaxweynaha Saleebaan Saxansaxo Qaran News Share this post Link to post Share on other sites