Deeq A. Posted March 6, 2023 Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta sheegtay inay $5 bilyan ku shubeyso Bankiga Dhexe ee Turkey, taasi oo taageero xooggan u ah dalkaas oo la tacaalaya waxyeelada dhul-gariirkii ku dhuftay bishii tegtay. Wasiirka dalxiiska Sacuudiga, Ahmed Al Khateeb iyo xubin ka tirsan Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, ayaa heshiis la saxeexay guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Turkey Sahap Kavcioglu si loo sameeyo lacag ku shubistan muhiimka ah ee $5 bilyan, waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tidhi dowladda Sacuudiga. “Lacag ku shubitsan waxay caddeyn u tahay iskaashiga dhow iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Turkiga iyo shacabka walaalaha ah,” ayaa lagu yidhi bayaanka. Go’aankan oo xoojin doona kaydka lacagta qalaad ee Turkiga, islamarkaana ka caawin doona inay la dagaalanto sicir-bararka, ayaa lagu sameeyay amarka Boqor Salmaan iyo Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan, ayuu bayaanka intaas ku daray. Tallaabadan ayaa muujineysa isku soo dhawaanshaha Riyadh iyo Ankara kadib markii xidhiidhkooda uu soo gaadhay dhaawac culus oo ka dhashay dilkii 2018-kii ee saxafiga Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Source Share this post Link to post Share on other sites