Sign in to follow this  
Deeq A.

“Haddii Isimada Dhulbahante ay naga codsadaan dagaalka Laascaanood si rasmi ah ayaan u galaynaa…” Madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay dagaalka Laascaanood ka qeyb galayaan haddii garaadada beesha Sool clan ay ka codsadaan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland haatan ayna wax door ah ku lahayn colaadda gobolka Sool, islamarkaana wuxuu sheegay dadka Laascaanood inay isaga filan yihiin inay difaacaan sharafkooda iyo rabitaankooda ummaddeed.

“Puntland qeyb kama aha dagaalka Laascaanood, Waxaanse ku kalsoonahay Shacabka reer Laascaanood in ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan, Kalsooni buuxda baan ku qabnaa, Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cidwalba in aan mus-danbeed u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaarnahay” ayuu yidhi madaxweyne Deni

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this