Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Saaka Dib Uga Qarxay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa saaka markale ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diidka ah.

Sida ay ogaatay warbaahinta Somalilandtoday, dagaalkan oo illaa hadda socda ayaa ka billaamay duleedka magaaladaasi, oo maalmihii dambe ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diidka ahi.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkan, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn maadama uu socdo, waxaana gudaha magaalada si weyn looga maqlaya dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Dagaalka saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay uu deganaa jawiga magaalada, islamarkaana ay socotay waan-waan ay gadhwadeen ka tahay dowladda Itoobiya.

Dhan kale xukuumadda Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay oo kaga hadlay dagaalka saaka dib uga billaamay Laascaanood oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandtoday waxa ay ku tidhi sida tan:

“WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa-06-03-2023(), Kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban  argagixiso, Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaas oo ahaa mid fulaynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Ciidamada Qaranka.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen  kooxaha isgarabsanayaa isdifaacid iyo iska caabin.

Xukuumadda  Jamhuuriyadda waxay cadaynaysaa  in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo  nabaddaynta Magaalada Laascaanood. Talaabadan oo muujinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaan.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this