Sign in to follow this  
General Duke

Good news : Xasan Dahir, Inda Cade, Islamic courts will negotiate with government

Recommended Posts

MIDOWGA MAXAAKIINTA OO MAANTA CADEEYAY INEY WADA HADAL LA YEELANAYAAN DOWLADDA CUSUB

 

Shir maanta isugu yimaadeen Midowga Maxaakiinta, iyo wadaadada ay ka mid yihiin Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cade) Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose, Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo culimo kale ayaa ka dhacay Heteelka Ramadaan ee Magaalada Muqdisho, kulankan oo ay ugu xaajoonayeen sidii ay wada hadal ula yeelan laaheeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Col. C/laahi Yuusuf.

 

Kulankan oo ballaarnaa ayaa waxaa ay isku raaceen in Dowladda cusub ee Soomaaliya marka ay timaado wada hadal la furi doonto Culimada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo horjeeda, sidoo kale kulanka ayaa waxyaabihii looga hadlayay waxaa ka mid ahaa sidii laga yeeli lahaa qodobka ahaa in ciidamo shisheeye dalka la keenayo iyadoo ay sheegeen in ay si aad ah ugu soo horjeedaan.

 

Culimaa’uddiinkan ayaa mar sii horeysay waxay ku dhawaaqeen in aysan marna dooneyn in dalka la keeno ciidamo shisheeye iyadoo Sh. Xasan Daahir Aweys uu sheegay in hadii la keeno Ciidamo shisheye ay Jihaad ku qaadi doonaan, hase ahaatee dadka Muqdisho waxay isweydiinayaan sababta keentay in wadada ay la galayaan Culimada Dowladdii ay mucaaradayeen.

 

Cali Muxiyaddiin Cali alisomali@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho.Isniin Nov 22,2004.

 

 

 

Madaxweyne C/lahi Yusuf Oo Khadka Isgaarsiinta kula Soo Xiriiray Sh. Xasan Daahir Aweys.

 

 

 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub ee Somaliya Col. C/lahi Yusuf Axmed uu telefoon kula soo xiriiray Col. Sh. Xasan Daahir Aweys oo beryahan dambe ay hadalo kulul isku marinayeen warbaahinta. Iyadoo horayna ay u dhex martay colaad gacan ka hadal ah dagaalkii gobolada Waqooyi-Bari ee dhex maray wadaado uu hogaaminayo Sh. Xasan Daahir iyo maleeshiyo beeleed uu hogaaminayay Col. C/lahi Yusuf oo waqtigaas dalka dib ugu soo laabtay. Sh. Xasan Dahir ayaa warbaahinta u sheegayay xiliyadaan dambe oo dhan, inuusan raali ka ahayn keenista ciidamada shisheeye ee uu dalbaday madaxweynaha cusub, isagoo balan qaaday inuu ka hortagi doono hadii la keeno. Wuxuuna gacanta ku hayaa Sh. Xasan Daahir ciidamo badan oo ku magacaaban magaca dalada maxkamadaha Islaamiga ah ee ka dhisan Muqdisho. Col. C/lahi Yusuf ayaa beesha caalamku culays ku saartay inuu tago Muqdisho, waxayna ku gacan sayreen keenista ciidamo shisheeya. Waxaad moodaa markaas, in Col. C/lahi Yusuf uu ku qasbanaaday inuu la heshiiyo xoogaga kasoo horjeeda ee Muqdisho jooga. Xiriirinta labadaan nin ayaa waxaa qayb wayn ka qaatay mas'uuliyiin ka tirsan shirkadda Banaadir ee gacanta ku haysa maamulka dekadda dabiiciga ah ee Ceel-Macaan. Mas'uuliyiintaan ayaa la sheegay inay xiriir wanaagsan la leeyihiin Sh. Xasan Daahir isla markaana ay gacansaar wayn la lee yihiin Ra'isal Wasaaraha cusub Pro. Cali Max'ed Geedi.

 

----------------------

 

question is will Abdullahi Yusuf renounce his clannish past? we will see!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   
Very good news saaxib. There must be a great deal of behind the scenes work being done; let us hope these talks bear fruit.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this