Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Xasan uu Ka Jeediyay Shirka Magaalada Doha

Recommended Posts

Deeq A.   
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Shirka Loo Dhan Yahay ee LDC5 ee hal-ku-dheggiisu yahay: Ka faa’iidaysiga khayraadka la haysto si loo gaaro barwaaqo ayaa waxaa uu halkaas ka jeediyay Khudbad, taas uu kaga hadlay fursadaha xilligaan yaalla dalkeena ee u baahan in looga faaiideeyo Umadda Soomaaliyeed,
” Xaqiiqdii, waa in aan xaqiijinnaa sidii aan fursaddan ugu adeegsan lahayn in aan si dhab ah uga baaraandegno isla markaasna si wadajir ah u hirgelinno qorshe-dejinnada iyo istaraatijiyooyinka dardargelin kara horumar waara oo ka hirgala goobaha kaalmada caalamiga ah loogu baahida badan yahay – iyo inaan ka faa’iidaysanno khayraadka iyo fursadaha badan ee ka jira Dalalka Dhaqaale ahaan hooseeya si aan dhabbaha ugu xaarno horumar iyo barwaaqo ay gaaraan dadkeenna” ayuu yri.
“Waxa aan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaheeda iyo dowladda Qatar sida ay dadaalkooda u mideeyeen sidii ay u qaban lahaayeen wada-tashigan caalamiga ah isla markaasna muhiimka ah yimidna xiligii loogu talagalay ee ku saabsan sidii loo soo saari lahaa baaq hawl fulineed si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo Dalalka Dhaqaale Ahaan Hooseeyo u gaaraan horumar waara. Sidaas awgeed, xilligan oo adduunka isku tiirsan yahay lana wadaago caqabado iyo fursado isku mid ah, waa in aynaan cidina ka tegin haddii ay dhab naga tahay horumar waara iyo barwaaqo ay gaaraan dadka ugu nugul ee caalamka ku nool” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
“Dalalka Horumarkoodu Hooseeyo sida Soomaaliya oo kale waxaa ka jira fursado iyo khayraad qani ah oo aan laga faa’iidaysan, hase ahaatee caqabaddu waxa ay tahay sidii fursadahan loogu baddali lahaa horumar iyo barwaaqo ay gaaraan dadkan oo ka mid ah kuwa adduunka ugu saboolsan. Madaxda sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Caqadaha taariikhiga ah iyo kuwa casriga ah ee saameynaya horumarka Soomaaliya Inkasta oo Alle ku mannaystay fursado waa wayn iyo khayraad horumar horseedi kara, haddana mid ka mid ah sababaha ay Soomaaliya ula harjadayso sidii ay ku gaari lahayd horumar waara ayaa ah dhaxalka colaad daba dheeraatay iyo xasillooni darro siyaasadeed. Balse waxaan hadda si guul leh u xallinaynaa labadooda annagoo u marayna wadahadal iyo iyo geeddi-socod dowlad dhis loo dhan yahay” ayuu yiri.
“Waxaan sidoo kale si wadajir ah oo saamayn leh ula dagaallamaynaa haraaga ugu dambeeya ee argagaxisada caalamiga ah ee joogta Soomaaliya, annagoo la kaashanayna shacabkeenna iyo bahwadaagta caalamiga ah. Hase yeeshee, waxaa caqabadaha na haysta sii adkeeyey saamaynta isbaddalka cimillada oo ka sii daray xaaladaha abaarta iyo cunto yarida. Waxa ay mushkiladdani u baahan tahay jawaab caalami ah oo degdeg ah la isuguna dubbarriday si ka fiican sidii hore, si loo dhimo isla markaasna loola qabsado saamaynta isbaddalka cimilada isla markaana loo xaqiijiyo in la badbaadiyo nolosha iyo hab nololeedka dadka kuwooda ugu nugul ee ku nool dalkeenna”.
“Safmarkii COVID-19 si culus ayuu u sameeyay Soomaaliya, waxaana noo soo baxday muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam lagu badbaadin karo bulshada si loola tacaalo saamynta mushkiladaha caalamiga ah ee mustaqbalka. Sidaas awgeed, waxa aan si aan daal lahayn uga shaqeyneynaa sidii aan ku kobcin lahayn dhaqaalaha, ku abuuri lahayn shaqooyin, sidoo kalena ku uruuri lahayn dakhliga gudaha, balse wali ma haysanno barnaamiyada badbaadada maaliyadeed ee bulshada ee dalalka kale ee horumaray ay haystaan, Balse, waxaa jiri jiray haatanna jira dareen xooggan oo bulsheed, adkaysi iyo wadaagga culayska oo ka jira Soomaaliya si la mid ah in badan oo ka mid ah Dalalka Horumarkoodu Liito, kaas oo naga caawiyay sidii aan ula tacaali lahayn safmarkii COVID-19”  ayuu yiri xilli uu ka hadlayay saameynta COVID-19.
“Soomaaliya waa dal qani ku ah khayraadka, waxa uuna leeyahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer adduunka, dhul carrasan ah oo beerista ku habboon oo looga faa’iidaysan karo beeraha iyo xoolaha, iyo sidoo kale dhaqan xooggan oo ganacsi oo dadka Soomaaliyeed ganacsi alaab iyo adeegba ay isaga kala gooshaan gobolka iyo adduunka. Sidoo kale bulshada Soomaaliyeed waxa ay leedahay xiriir dijitaal ah oo xooggan iyo Jaaliyado dibadeed oo cuddudooda lagu qiyaaso 2 milyan kuwaas oo doorkooda ka cayaaraya dib u dhiska qarankooda iyaga oo u maraya soo diris lacag iyo maalgashi” ayuu yiri xilli uu ka hadlayay keyraadka dalka yaalla.
“Waxaa jirta fursad wayn oo si hal-abuurnimo leh oo waxbarasho iyo fursad abuuris lagu siin karo dadka oo dhan oo ay ku jiraan dhallinyarada, gabdhaha iyo haweenka haddii aan majaraha u qaban karno fursadaha uu leeyahay dalkeenna iyo tamarta hal-abuurnimo ee dadkeenna annagoo sii kordhinayna abaabulka khayraadka gudaha, maaraynta maaliyadda dadweynaha iyo dowlad wanaaggan. Sidoo kale, tiknolojiyadda waxa ay bixisaa fursado qarash ahaan la goyn karo isla markaasna la heli karo si aan u horumarinno nidaam maaliyadeed oo loo dhan yahay, bixinta adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka dadweynaha kuwaas oo muhiim u ah horumarinta karaanka dadweynaha ee Soomaaliya” ayuu tirlmamay fursada ka jira dalka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this