Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo weli ciidamo ku daabulaysa duleedka magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1678081711698.jpg?resize=720%2C32

Taliska Korneyl Muuse Biixi oo isu diyaarinaya duullaan culus ayaa weli ciidamo ku daabulaya duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Inkastoo maalmihii u danbeeyay aanu wax dagaal ah ka dhicin jiidda Laascaanood haddana ciidamada Somaliland ayaa ku jira abaabulkii u danbeeyay si ay weerar ugu qaadan magaalada.

Wararku waxay sheegayaan in saaka oo u danbaysay dhinaca Ceel Afweyn laga soo qaaday ciidamo kala dhex joogay laba beelood si ay qayb uga noqdaan dagaalka.

Saraakiisha Somaliland ayaa sidoo kale shalay kala hadlay ciidamadooda ku sugan duleedka Laascaanood u diyaar-garowga dagaalka.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo weli ciidamo ku daabulaysa duleedka magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this