Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1678080395122.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa ugu horrayn caddeeyay in aysan Puntland gebi ahaanba qayb ka ahayn dagaalkaas islamarkaana ay ku kalsoon tahay in dadka SSC ku filan yihiin difaaca dhulkooda.

Waxaase uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay dagaalka qayb ka noqoto haddii dadka Reer SSC-Khaatumo ay ka dalbadaan arrintaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay Taliska Muuse Biixi kula xisabatami doonto dhibaatada uu ka geystay Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Halkaan ka daawo Khudbiisa

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this