Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo caddaysay in aysan argagixiso ka jirin Gobollada SSC

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka been-abuurka ah ee Somaliland ka faafiso dhulka SSC-Khaatumo oo ku saabsan in degaannadaas ay argagixiso ka jirto.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u caddeeyay in aysan waxba ka jirin wararkaas been-abuurka ah ee Somaliland ku sumcad-dilayso dadka SSC-Khaatumo.

“Argagixiso kama jirto Laascaanood iyo guud ahaan SSC midna, asalna uma lahan. Keliya Somaliland ayaa diiddan in dadka dhulka leh ay aayahooda ka tashadaan; waana sababta ay Somaliland u xasuuqayso shacabka Laascaanood” ayuu yiri Axmed Karaash.

Waxa xusid mudan in muddooyinkii u danbeeyay Somaliland faafinaysay wararka la xiriira in magaalada Laascaanood ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab, inkastoo aysan jirin cid Somaliland ka hoos qaadday been-abuurkaas.

FB_IMG_1678042423252.jpg?resize=720%2C46

PUNTLAND POST

The post Puntland oo caddaysay in aysan argagixiso ka jirin Gobollada SSC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this