Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo $5 milyan ku wareejisay TURKIGA + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
330760535_951166689581086_24018338552527

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Ibrahim Mete Yagli ku wareejisay lacag malaayiin dollar ah oo ay ugu tala-gashay inay uga qayb-qaadato gurmadka loo fidinayo shacabka dalkaasi ee ay dhibaatada kasoo gaartay dhul-gariiradii xooganaa ee dhowaan ku dhuftay Turkiga.

Munaasabadda lagu wareejinayay lacagtaan oo ay iska soo uruuriyeen ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Guddoomiyaha Shacabka ee Baarlamaanka, Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale munaasabaddan oo ka dhacday xarunta Tiyeetarka Qaranka ayaa waxaa soo agaasimay guddiga gurmadka walaalaha Turkiga, waxayna ka qayb-galay dadweyne kale.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa munaasabaddaani ku wareejisay lacag ku dhow 5 milyan oo dollar, taas oo gaareyso ($4,818,477), kuna dhow 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Liram.

Duqa magaalada Muqdisho oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dhawaaqay ballan-qaad kale, wuxuuna shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu ku dari doono inta ka dhiman lacagta, si loo gaarsiiyo shan milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guddigii gurmadka walaalaha Turkiga uga mahad celiyey garab istaaga qiimaha badan ee ay u sameeyeen walaalahooda oo dhibaato wayn ay ka soo gaartay musiibadii dhul-gariiradii is xig-xigay.

Sidoo kale ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag.

Ugu dambeyn safiirka dowladda Turkiga oo xafladda ka hadlay ayaa taageeradaan uga mahadceliyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay u muujisay walaalnimo, isla-markaana ay ka heleen haddiyad aad u weyn oo qiimo badan.

”Turkiga markii ay ku habsatay musiibadii ugu weynd abid, ku dhawaad 100 waddan ayaa gargaar uga yimid, laakiin hadiyada ugu weyn waxaan ka helnay Soomaaliya” ayuu yiri.

Turkiga ayaa baal-weyn ku leh Soomaaliya oo uu horay u caawiyay, welina ka taageero dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dib u dhiska Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

330626087_182948221147597_52407317136619#image_title 330760535_951166689581086_24018338552527#image_title 333730904_1670163146770608_4066517764225#image_title 328983333_784421289961724_26017857262559#image_title 329077313_173082235050399_63214656200821#image_title 329130630_752066096311115_50668954210063#image_title 329612288_213909917859222_37602959617919#image_title 330140410_3389252841348854_3822316136186#image_title 330330283_912479079797676_16453786124927#image_title 330334349_1724947157901924_5607441262541#image_titleThe post Soomaaliya oo $5 milyan ku wareejisay TURKIGA + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this