Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ayaa wahadal la yeeshay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, ayagoo ka wadahadlay arrimo dhowr ah.

Labada mas’uul ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka labada waddan iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya, kuwaas oo lagu tageerayo dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa.

Dhankiisa amiirka daka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa  Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya wuxuuna xusay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qayb-galay furitaanka sirweynihii 5-aad ee Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlayo caqabadaha haysta dalalka soo koraya iyo sidii loo caawin lahaa, waxaana shirka furay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamin Bin Xamad.

Sidoo kale waxaa mdasha  ku sugan madaxa kala duwan oo ka socda dalalka soo koraya, oo aty kamid tahay Soomaaliya

Si kastaba madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu hhudbad ka jeediyo shirkam isaga diiradda saari doona waxyaabaha ugu muhiimsan ee mudnaanta u leh dowladdiisa.

332889501_736333381229644_25528651391633#image_title 334668969_195714109742901_46041397305768#image_title 328815555_168381575977553_57868698058763#image_titleThe post Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this