Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo bilaabay qorshe lagu soo daabacayo lacag cusub + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
330254228_768315584714782_91641173223111

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirweyne muhiim ah oo looga arrinsanayo dib u daabicista lacag cusub oo Shillin Somaali ah, wuxuuna shirka ka qabsoomay Villa Somalia.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ahaa  kulankii koowaad ee guddiga heer qaran ee hagista mashruuca dib u daabicista shillin Somaaliga, waxaana laga wada-hadlay sidii loo dardar-galin, isla-markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa Shillin Soomaaliga.

Ugu horreyn waxaa shirkan warnixin guud kusoo bandhigay guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha duddiga oo faahfaahin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii uu guddigu shaqaynayay, iyada oo laga amba-qaadayo siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habeyta dhaqaalaha dalka gaar ahaan soo celinta Shillin Soomaaliga.

Ujeedada ugu weyn ee loo sameynayo dadaalkan ayaa ah in ay wax badan ka beddeli doonto dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee ku sugan gudaha Soomalaiya.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ayaa ku bogaadiyay xubnaha guddiga shaqada ay qabteen, wuxuuna tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu uu wax weyn ka beddali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqaale ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haddii mashruucan uu guulaysto uu qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada heysata Soomaaliya

Si kastaba, shirkan oo ah kii ugu horeeyey oo uu guddigu yeesho ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha guddiga, iyada oo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada iyo Baanka Adduunka ay shirka uga qayb galeen online, ama alaadda fogaan aragga.

Soomaaliya ayaa haatan la daala dhaceysa xaaladdo is-biirsadan, hase mashruucan ayaa muhiim u ah dib usoo dhooleynta Shilinka duugoobay ee Lacagta Soomaaliga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

332006757_1335325557323127_3707070401607#image_title 329833087_176504055125331_60364431882581#image_title 330254228_768315584714782_91641173223111#image_title 330313678_905774920676306_83440680023456#image_title 331891970_2241089852738003_7954910052716#image_title 332003021_880175443074920_16843315149402#image_titleThe post Xamza oo bilaabay qorshe lagu soo daabacayo lacag cusub + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this