Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Puntland oo ka hortimid meel-marinta Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa si adag uga digtay in sifo aan sharci ahayn lagu meel-mariyo Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya.

War-saxaafadeed Sabtidii ka soo baxay wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa Sharcigaas ku tilmaamay mid baalmarsan Dastuurka dalka waxaana dowladda Soomaaliya looga digay meel-marintiisa.

” Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland waxay cadaynaysaa in aysan aqoonsanayn kuna dhaqmi doonin sharci kasta oo baalmarsan Dastuurka dowlada Puntland iyo kan DFS” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan jirin wax xiriir wada-shaqayneed ah oo kala dhexaysa Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

FB_IMG_1678007702678.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1678007707469.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Puntland oo ka hortimid meel-marinta Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this