Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo kulan gaar ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1678012631587.jpg?resize=720%2C49

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar

Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya ayaa xusay sida ay Dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this