Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilldhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Dalka Jabuuti Oo Maanta Dooranaya Guddoomiye Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga aqlabiyadda heysta ee madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa helay 57 kursi, halka xisbiga mucaaradka ah ee ka qeyb galay doorashadan u helay 7 kursi.

Guddiga dastuuriga dalka Jabuuti, ayaa ansixiyay natiijadi hor-dhaca ahayd ee guddiga doorashada dalka Jabuuti.

Maanta oo Axad ah, ayaa waxa xarunta Golaha Shacabka isugu imaan doono mudanayasha cusub ee baarlaamaanka, oo 35% ay haween yihiin dalka oo dhan.

Ajandaha maanta ayaa waxa uu yahay dhaarinta xildhibaanada cusub, iyadoo intaas kadib la dooran doono guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this