Sign in to follow this  
Deeq A.

???????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????? ???????????????? ???????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????? ???????????????????????

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba ka mid ah diyaaradaha milatariga ee dalka  Maraykanka ayaa fadhiistay duleedka Degmada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar.

Diyaaradahan oo gaar gaar ah halkaas u tagay Khamiistii iyo Jimcihii ayaa ah nooca qaada xamuulka iyo Ciidamada ee loo yaqaano Hercules C-130.

Diyaarada koowaad ayaa Dalka Djibouti ka soo kacday 3-dii, waxayna duleedka Caynaba fadhiisatay Khamiistii markay saacada Bariga Afrika ahayd 4:20.

Diyaarada labaad ayaa Caynaba fadhiisatay subaxnimadii Jimcaha 7:43 subaxnimo.

Diyaaradahan oo ay leeyihiin ciidamada cirka dawlada Maraykanka ayaa ka oo kicitimay fadhiisinka ciidamada Maraykanka ku leeyihiin dalka Djibouti.

Diyaaradahan ciidan oo la rumaysan yahay inay la socdeen saraakiil Maraykanka ah, ayaan la ogayn ujeedada ay halkaasi u tageen, waxase khadadka lagala socdo diyaaradaha isaga kala goosha dunidu muujinayaan in diyaaradahani bakhtiisteen Raadaarka, taasi oo ka dhigan in aad loo ilaalinayay xogta duulimaadyada diyaaradahani ku tageen Magaaladda Caynaba ee xarunta gobolka Saraar.

Frank David, oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada cirka Maraykanka wakiilna ka ah madax sadhiga ciidamada Maraykankan ee Djibouti ayaa sheegaya in ay yihiin duulimaadkii labaad ee ciidamada cirka Maraykanka ay ku yimaadeen Caynaba mudo ka yar 24-saacadood.

Diyaaradahan tagay Magaaladda Caynaba ee xarunta gobolka Saraar ayaa kusoo beegmaya xili xaaladda dagaal ka jiro Magaaladda Laascaanood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this