Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska iyo Soomaaliya oo ka wada-hadlay dagaalka Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
GGGGGGG.jpg?resize=1000%2C525&ssl=1

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta la kulmay Safiir ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska ahna sii hayaha safaarada Ed Barnett.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo Wasiirku uu uga warbixiyay Safiirka xaaladda guud ee dalka iyo howlgallada dalka looga ciribtirayo Al-shabaab, sida ay sheegtay wakaaladda SONNA.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay UK kaalinta ay ka qaadato doorka ku aaddan taageerada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ayaa bogaadiyay howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada, waxa uuna xusay in Boqortooyada Ingiriiska ay kaalin mug leh ka qaadato taageerada Soomaaliya iyo sidii cunaqabateynta hubka saaran looga qaadi lahaa.

PUNTLAND POST

The post Ingiriiska iyo Soomaaliya oo ka wada-hadlay dagaalka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this