Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhib badan ayaa dhacday cidii geysatey-na weli kursigii ayay fadhidaa…….Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Maanta intii dhib dhici kareysay way dhacday in aan qori waxba lagu xalin karin way muuqatey waxay taladeydu tahay in caqligu shaqeeyo .
Anigu ka gudoomiye ahaan markasta waxaan qabaa inaan nabada laga quusan si kastoo loo kala fogaaday , laakin waxaan su’aal galinaya tolow madaxweyne Muuse malaga heleyaa maadaba isku dayo badan oo laysku dayay iyadoo xaaladu intan ka qaboobayd uu diiday, iyadoo naca iyo dhibaatada dhacday hadda korodhay , ee mararka qaarkood gaadhay in dadka shacabka goobahoodii shaqada jooga laga qaato la dilo sidii maayirkuba sheegay , baabuurtii magaalada ka baxday inta dad lagala dego la dilo , iyadoo naciina sii kordhay madaxweynihina wuxuu aragtidiisa ka badalay aynaan ogeyn suuro gal tolow ma ka tahay xagiisa ? balse waxaan isleeyahay marwalba inan la quusan oo inta nool loo taliyo ayaan qabaa “
Dhib badan ayaa dhacday , cidii geysatey-na weli kursigii ayay fadhidaa anigu ka gudoomiye ahaan mar walba waxaan qabaa in aan la quusan oo mar walba nabad laga shaqeeyo , balse waxaan su.aal galinayaa arintaas Muuse Biixi ma laga helayaa ….”
Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa caawa sidaas yidhi .
May be an image of 2 people and people sitting

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this