Jacaylbaro Posted September 16, 2010 Dawladda waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa xidhatay gebi ahaan xuduudka dhinaca dhulka ee ay la wadaagto Somaliland, kadib markii toddobaadkan malleeshiyo hubaysan ka soo degeen xeebaha galbeed ee dalka, arrintaasi oo cabsi xooggan ku beertay dalalka jaarka. Ma jiro war rasmi ah oo xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti ka soo saareen sababta xilligan keentay in la xidho xadka u dhexeeya labada dal, haseyeeshee siday ilo xogogaal ah oo ku sugan magaalada Lawyacaddo u xaqiijiyeen Jamhuuriya xalay, waxa Jabuuti xadkeeda xidhatay tobankii subaxnimo ee Salaasadii toddobaadkan si ay uga hortagto in kooxo rabshad-wadayaal ahi gudaha u galaan dalkeeda, gaar ahaan malleeshiyaadka hubaysan ee toddobaadkan ka soo degay xeebaha dhinaca galbeed ee Somaliland. Sida ilo-wareedyadu sheegeen saraakiisha reer Jabuuti ee ku sugan dhinaca xuuduudda, ayaa lagu wargeliyey in xadku xidhan yahay oo cidina aanay ka gudbi Karin cidina soo gelin Karin, ilaa amar dambe, iyada oo aan la shaacin mudada dawlada Jabuuti ku dhawaaqday in xadku xidhan yahay. xadka dawlada Jabuuti xidhatay, waxa uu saamayn ku yeeshay isu socodka labada dale e Somaliland iyo Jabuuti, iyada oo dad badan iyo gaadiid ku socday Jabuuti ay ku xaniban yihiin magaalada Lawyacaddo ee xudduudda ku taal, halka dad kale oo Somaliland ku soo jeedayna ku xanniban yihiin gudaha Jabuuti, iyada oo ay maalintii ugu yaraan Lawyacaddo tagaan ilaa 10 baabuur oo sida rakaabka labada dal isaga gudba. Xadka Jabuuti xidhay ayaa ku soo beegmay, iyada oo xilligan ay dib u noqonayaan dadka reer Jabuuti ee a soo baxsaday kulaylka xiliga xaggaaga, waxayna arrintaasi sababtay in qoysas badan oo isugu jira dumar iyo carruur yaryar ku xannibnadaan magaalada Lawyacaddo, balse sida wararku sheegayaan shalay abaaro 11:00 barqanimo, ayaa dadka reer Jabuuti loo oggolaaday inay xadka ka gudbaan. Xidhitaanka xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, ayaa ka dambaysay kadib markii ay toddobadkan xeebaha galbeed ee Somaliland ay ka soo degeen malleeshiyo hubaysan, kuwaas oo u gudbay dhinaca Itoobiya, iyada oo tallaabadaasina saamayn ku yeelatay xuduudaha Somaliland la wadaagto dalalka Jabuuti iyo Itoobiya. Jamhuuriya Quote Share this post Link to post Share on other sites