Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay ujeedada safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qatar?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16779530855705793.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shirka ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

PUNTLAND POST

The post Muxuu yahay ujeedada safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qatar? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this