Jacaylbaro Posted February 24, 2008 Garaadadii iyo odayaashii *********** iyo ***** ee ka qayb galay shirkii ka dhacay degmada Qaloocan ee gobolada Itoobiya gumaysato ee Itoobiya ayaa waxaa saraakiishii Itoobiyaanka ahayd ee shirkaas maamulaysey u gudbiyeen liis ay ku qoran yihiin waxa ay ugu yeedheen argagixisada gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn. Dadka liiskan ku qoran ayaan ahayn oo keliya rag wadaado ah,balse waxaa wax lala yaabo noqotay in ku jiraan dhamaan rag ka soo jeeda qaybaha kala duwan ee bulshada,sida rag siyaasiyiin ah,saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ah,saraakiil ka tirsan ciidamadii dawladii hore ee Soomaaliya,ganacsatoiyo weliba rag ka mid ahaa ergadii shirka fadhidayba. Kadib markii liiskii la arkay ayaa waxa bilowday in la kala dhuunto,la kala shakiyo oo la is aamini waayo,oo ay noqotay in nin walibaaba is badbaadiyo. Saraakiisha Itoobiyaanka ayaa si kulul uga hadlay in odayaashu u soo gacan geliyaan nimnkaas argagixisada ah,oo ay kala shaqeeyaan sidii loola dagaalami lahaa argagixisada. Odayaasha ka qayb galay shirka oo sida loo sheegay intaanay iman shirka ay si ka duwan meesha wax uga dhaceen,ayaa arintii ku adkaatay,waxayna isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan saraakiisha amniga Itoobiya inaanay joogin argagixiso dhulka SSC,balse waxa arintaas ku gacan saydhay saraakiisha Itoobiya oo sheegay inay liiskan u soo gudbiyeen sirdoonkoodu ayna mudo badan ku haminayeen sidii ay dadkaas gacanta ugu dhigi lahaayeen. kulankaas ayaa ku dhamaaday is afgarad,waxaana looga fadhiyaa odayaasha inay fuliyaan balankii ay qaadeen oo ay la shaqeeyaan saraakiisha amniga Itoobiya,qaybna ka qaataan la dirirka argagixisa. Akhbaarta oo dhamaystiran iyo liiska dhowaan ha ka fogaan Afnugaal.com Afnugaal News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 24, 2008 Wax yar uun ka dib kulankii Qalloocan ee dhowaan soo gebegeboobay ayaa waxaa soo baxaya in Itoobiyada federaalku ay diyaarisay Liis ay ugu yeedhay Argagixisada deegaanada SSC, kaas oo dadka ku jiraa ay hadda ka dib noqon doonaan dad ay raadinayaan hay'adaha Ammaanka ee Itoobiya & kuwa ay wada shaqaynta leeyihiin ee reer galbeedku. Kulankaasi qalloocan ayaa markii uu furmay waxa uu ahaa mid ay isimada qaarkood ka muujiyeen walaac ka dib markii sida la sheegay laga dalbaday in Isim waliba uu soo gudbiyo liiska dadka Ardaagiisa ka tirsan ee uu aaminsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin waxa ay reer galbeedku ugu yeedhaan Argagixisada, dalabkaas oo ahaa mid ay ergooyinkii SSC ee Kulanka joogay ay aad madaxa uga ruxeen. Weftigii SSC ee kulankaas joogay waxa ay ku dadaaleen inay itoobiyaanka ku qanciyaan inaanay haba yaraatee deegaanadooda joogin dad xidhiidh la leh waxa loogu yeedho argagixisada, hase yeeshee nasiib xumo kuma qancin itoobiyaanku dhinacooda. hadda waqti yar uun ka dib dhamaadkii kulankaasi waxaa la cadeeyey in itoobiyaankuay daabaceen liis ay ku jiraan dad badan oo ka soo jeeda deegaanada SSC, kaas oo ay u aqoonsanaan doonto itoobiya inay dadka ku jiraa yihiin kooxaha ay itoobiyaanku ugu yeedhaan dadka tilmaaman amaba ay xidhiidhba la leeyihiin. dadka liiska ku jiraa ma aha oo keliya qaybo ka tirsan dhalinyarada wadaadada ah sida la moodayey, laakiin waxaa qayb ka ah mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, saraakiil hore oo Ciidamada ahaa, hawlwadeeno ka tirsan hay'adaha cadaalada ee Puntland & xubno fadhiyey ama ka qayb galayba kulankaas qalloocan. Isimadii & waxgaradkii kale ee kulankaasi ka qayb galay ayaa si kala duwan uga hadlay natiijadii kulankaasi iyadoo ay isimada badankoodu hoos u dhigeen ahmiyaddii kulankaasi kuna tilmaameen mid u dhacay si ka duwan sidii ay moodayeen in loogu yeedhay, waxana ay ku celiyeen in Deegaanada SSC ay yihiin goobaha ugu ammaanka badan xuduuda ay itoobiya la wadaagto Soomaaliya, taasina ay markhaati ka tahay inaanay ahayn Deegaanadani Hoy ay ku Dhuuntaan waxa ay reer galbeedku ugu yeedhaan Argagixisada amaba kooxaha ka soo horjeeda itoobiya. Buuhoodlemedia.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 24, 2008 dadka liiska ku jiraa ma aha oo keliya qaybo ka tirsan dhalinyarada wadaadada ah sida la moodayey, laakiin waxaa qayb ka ah mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, saraakiil hore oo Ciidamada ahaa, hawlwadeeno ka tirsan hay'adaha cadaalada ee Puntland & xubno fadhiyey ama ka qayb galayba kulankaas qalloocan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cige Posted February 24, 2008 JB show adigana kugu dareen? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 25, 2008 Waa laga yaabaa inaan ku jiraba ,,,,,, I'm a big argagixiso for some ppl ,, i know it , Quote Share this post Link to post Share on other sites