Sign in to follow this  
Deeq A.

Murrashax Cirro oo si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

“Xisbiga WADDANI waxa uu si adag u canbaaraynayaa duullaanka faro-gelinta ah ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku soo qaadday gudaha Somaliland, Xisbiga WADDANI waxa uu bogaadinayaa ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay iska difaaceen duullaankaas gardarada ah, cid kasta oo dibedda kaga soo duusha nabad gelyada iyo ammaanka Jamhruuriyadda Somaliland, Xisbiga WADDANI waa uu ku garab taagan yahay Ciidamadda Qaranka difaacidda madax bannaanida dhuleed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dadyowga meelaha ka baxsan Jamhuuriyadda Somaliland ka soo gurmanaya ee qoriga dhiigga leh, colaadda Laascaanood kaga qeyb qaadanaaya, waxa aan leeyahay; balaayo laysugu  habar wacdaa, waxa ay keentaa colaad hurta iyo hurguma raagta. “ Murashaxa Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Cirro

Goordhaw la soco muuqaalka

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this