Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyay Hawlgallada ka socda Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Jubaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Ciidamada Xoogga dalka SNA iyo kuwa Jubaland ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaalka Al-shabaab.

“Waan bogaadinayaa ciidamada qaranka iyo daraawiishta Jubaland guulihii ay kasoo hooyeen Dagaalkii ay shalay la galeen Khawaarijta. DFS waa ay sii xoojinaysaa doorkeeda howlgalada socda” ayuu yiri Madaxweynaha

Hadalkan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh jeediyay kadib markii uu soo geba-gabeeyay Safarkii uu tegay Dowlad Goboleedka Jubaland.

Halkan ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyay Hawlgallada ka socda Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this