Sign in to follow this  
Deeq A.

Aag cusub oo canshuuraha ka caagan oo laga daah furay Berbera + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
331488999_610936094379452_38231136277722

Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah u daah-furay suuqa xorta ah ee Aagga cashuuraha ka caagan oo laga bineeyey duleedka galbeed ee magaalada Berbera.

Munaasibadda xadhig ka jarka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay shir-guddoonka golaha baarlamaanka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, qaar kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha DP World, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, madaxda gobolka Saaxil, qaar kamid ah maayarrada dalka, maareeyaha dekedaha Somaliland, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horrayn, waxa halkaasi ka hadlay madaxa shirkadda IFFCO Mr. Cabdul Jabbar iyo Liz LLoyd oo ah madaxa shirkadda caalamiga ah ee Inigiriiska u qaabilsan maalgashiga (BII) oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo dhaweeyey xarunta ganacsiga xorta ah ee laga hirgeliyey duleedka Berbera, waxay sheegeen inuu mashruucani yahay fursad cusub oo Somaliland usoo jiidi karta maalgashadayaasha caalamiga ah.

Waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin suuqan xorta ah ee loo hirgelilyey duleedka Berbera, iyaga oo caddeeyey inay si rasmi ah u isticmaali doonaan suuqan xorta ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay ayaa isaguna si qoto dheer u sharraxay muhiimadda uu leeyahay suuqan xorta ahi iyo sida uu kor ugu qaadayo maalgashiga dalka.

Guddoomiyaha shirkadda DP-world, mr. Sultan Ahmed Bin Sulayem ayaa isaguna dhankiisa guul weyn ku tilmaamay dhamaystirka suuqa xorta ah oo ay in badan Somaliland sugaysay, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay kor u qaadayso dhaq-dhaqaaqa ganacsiga Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa sharraxay waxyaabaha uu suuqani usoo kordhinayo qaranka iyo faa’iidooyinka ugu jira bulshada reer Somaliland.

“Daah-furka suuqani waxa uu abuurayaa fursado ganacsi, shaqo abuur, korodhsi aqoon farsamo, mid maamul, mid adeeg, is-dhexgalka iyo wax-wada-qabsiga caalamka,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhismaha suuqan xorta ah iyo mashaariicdii hore ee shirkadda DP World ka hirgelisay Berbera inay magaalada Berbera ka dhigayaan mid awood u leh inay waraabiso dalalka aan dekedaha lahayn ee qaaradda Afrika ku yaalla.

“Mashaariicda laga hirgeliyey Berbera waxay ka dhigayaan dekedda mid awood u leh inay u adeegto gobolka iyo dalalka aan dekedaha lahayn ee ku yaalla qaaraddeena, waana tallaabo taariikhi ah oo dawladdu u qaadday dhinaca hirgelinta qorshihii horumarinta Qaranka ee (NDP 1,2, &3,).”

Ugu dambeyntiina waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay ciidamada qaranka oo uu ku tilmaamay kuwo sabab u ah horumar kasta oo ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay.

“Waxan si gaar ah ugu mahadnaqayaa, nabaddaas, horumarkaas iyo quruxdaasi waxay ku timi dhiigga geesiyaasha qaranka ee maalin walba naftooda u huraya si aynu horumar u gaadhno oo inaga mudan mahadnaq iyo xusuus gaar ah.”

Mashruucan suuqa xorta ah ee madaxweyne Muuse Biixi uu xadhigga ka jaray ayaa kamid ah mashaariic tiro badan oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Somaliland oo ay shirkadda DP World ka hirgelisay oo ay kamid yihiin casriyeynta dekedda Berbera, garoonka diyaaradaha ee Berbera iyo jidka Berbera-Wajaale (Berbera Corridor).

334426766_1838433636531922_9279158553065

329283218_1009633573756149_1175443014400

331486235_3223154187907040_3902803570395

331488999_610936094379452_38231136277722

334527421_1611902222569050_2240048739326

334440787_508532041451218_46594030718328

331268118_915644303206664_76467229788817

334420468_508554384810684_31539020358218

331516121_198631322759317_45461416299296

334527421_166011336210558_29133218373625

330597063_1226327684979493_7518129894554

329362094_214810511071478_81834852648095

The post Aag cusub oo canshuuraha ka caagan oo laga daah furay Berbera + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this