Deeq A. Posted March 3, 2023 Bismilaah, waxa ay mahad oo idil ay u sugnaatay allaha leh kownkaan inagana dhigay addoomihiisa, allaha ina faray isugu kaalmeynta Samaha iyo alle ka cabsiga inagana reebay isugu kaalmeynta xumaanta, cadaawadda iyo cadawtinimada. Mahad Alle dabadeed, waxa aan u mahadcelinayaa cidkasta oo faafisa qormadaan, qaadata, codeysa, dhagangelisa ama si kasta oo wanaag ay ku horseedi karto qayb ka noqota. Waxa aan qormadeydaan diiradda ku saarayaa dhibaato damqisay qof kasta oo leh damiir, dadnimo iyo danqasho. Waxa aan qormadeydaan Ciwaan uga dhigay, Muqdisho: Wadne shaqadii gebay oo howgelin u baahan. Si aan faham fiican kaaga siiyo qormadaan, Daqiiqado koban I amaahi dareenkaadda arag, maqal iyo maskaxed, haddii aad qormadaan codeys, qoraal, maqal iyo muuqaal intaba mid uun ay kugu soo gaareyso. Ugu horeyn, iii ogolaaw in aan warbixin kooban kaasiiyo, Wadnaha, qaab dhismeedka iyo shaqadiisa si kooban inkasta oo ay surtagal tahay in aanan kuu siin sidii u warbixin kaaga siin lahaa khabiir sanaddo darsayay ama daaweynayay wadnaha, xanuunadda kudhaca iyo habsami usocodkiisa shaqo. Aan kuu bilaabee, Wadnuhu waa xubin ay leeyihiin inta badan xayawaanaddu hadey ahaan laheyd xamaarato, duurjoog, dabjoog, badkunooleyaal, aadane iyo inta lamidka ahiba, haba kala duwanadaan hababka shaqo, qaab iyo xajmi ee ay la egyihiin wadnayaashooduye. Marka aynu inimaadno aadanaha, waxa uu leeyahay wadne ah xubin kamid ah jirkooda gaar ahaanse xubnaha ugu muhiimsan oo saameyn kuleh sii jiritaanka noloshooda. Wadnahaasi waxa uu ka koobanyahay lakabyo, unugyo gaar ah, qolal, albaabo, tubooyin, fiilooyin iyo xuubab ku dahaaran oo aan ula jeedo Vessels, Valves, Chambers, Layers, Nerves, Muscles iwm. Wadnuhu, waxa uu inoo qabtaa shaqooyin aysan jirteen cid inoo qabata xataa haddi ay lahaan laheyd mushaar kan ugu badan ee la bixiyo, waana waxa ay tahay in aan uga mahadcelino allaha awooddahaas siiyay xubin yar oo la eg xajmiga gacantaadda gumadeeda hore ood isku laabtay”Fist”. Waxa uu wadnuhu inoo qabtaa shaqooyin kala duwan oo ay kamid yihiin: 1. Gaarsiinta dhiigga xubnaha kale ee jirka isaga oo ah, Xarunta laga diro ilbiriqsi kasta ku dhawaad 70ml oo dhiig ah ama daqiiqad kasta 5 ilaa 6 liitar oo dhiig ah, taasi oo ka dhigan maalintii dhiiga wadnaheenu uu tuuro ku dhawaad 7,600 oo liitar oo dhiig ah. 2. Waxa kale uu wadnuhu qabtaa dhiiga kasoo noqda xubnaha jirka ee uu hore ugu tuuray isaga oo gaarsiiya sambabada si loogu soo daro hawadda ama neefta Oksijiinta isla markaana dib ugu soo noqota wadnaha, wadnuhuna uu sidii si lamid ah ugu tuuro halbowlayaasha waa weyn ee jirka si ay ugaarsiiyaan xubnaha jirka loogana faa’iideysto Oksijiinta lagu soo daray dhiiga taas oo ah, tamar ay ku shaqo galaan unugyadda jirkeena. 3. Waxa uu sidoo kale wadnuhu dhiiga uu jirkeena utuuro qayb ka ah, Nafaqooyinka ama manfaca cuntada aynu cuno kasoo baxa taas oo la raacsiiyo qulqulka dhiigga isla markaana wadnuhu ka qayb qaato, gaarsiinta jirka si ay unugyadda jirku uga helaan tammar ay ku shaqo galaan isla markaana sare uqaadda waxsoosaarka shaqooyinkooda kala duwan ee jirka si nolosha iyo muuqeena jireed unoqoto mid sii jirta. 4. Shaqooyinka wadnaha ee jirkeena waxa qayb ka ah, Joogteyna cadaadiska dhiiga ee jirkeena oo saameyn kuleh howlgaladda shaqo ee xubnaha muhiimka ah ee isla jirka iyo guud ahaan caafimaadkeena. Shaqooyinka wadnaheenu waa mid ka sheekeynteedu ay qaadaneyso waqti dheer, waana mid ay tahay in aan alle uga mahadcelino nicmaddas uu inagu maneystay. Wadnuhu, maadaama uu jirkeenu uleeyahay ahmiyad weyn isla markaana uu u yahay xubin ay tahay in aynu dhowro aadna uga welwelno dhibaato kasta oo lasoo darista, ayaa sidaasi si lamid ahina ay Muqdisho u tahay, magaalo ay tahay in aynu ka walwelno dhibkasta oo ay la kulmayaan bulshadeedu gaar ahaanse dhalinyarta oo dhibta ugu badani saameyso. Muqdisho, waa magaaladda caasimadda u ah dalkeena, waa magalaadda ay ku noolyihiin tiiradda ugu badan bulsho Somaaliyeed oo kala reero iyo gobalo kala duwan leh. Waa magaalo madaxda waddan ay dhalinyartiisu ka badantahay 75%, waa magaalo Soomaaliyeed oo xarun u ah hayaddo caalami iyo maxali isugu jira, safaaraddo, askar, madax, wasaaraddo, ganacsato, siyaasiyiin, culimo, nabadoono dhaqan, waxgarad, danyar, dulmane iyo cid kasta oo degaan ku ah dantey doontaba ha ujoogtee. Waa magaalo xeebeed ay fadhiyaan xarumihii ganacsiga, shirikadaha iyo hayadaha hormuudka u ah wasoosaarka, bangiyada, isgaarsiinta, caafimaadka, waxbarashadda, tiknoolojiyadda, aqoonta, farsamadda gacanta iwm. Waa magaalo heysa malaayiin dad ah, oo kala duruufo iyo dano ah, waa magaaladda ay ku noolyihiin dhalinyarta ugu badan waddanka, waa magaaladda kulmisa ganacsade doollarku agtiisa daadsanyahay iyo miskiin aan heysan shilin uu gasiin siisto, gidaaradduna hoy uyihiin. Waa magaalo milkiyadeedu ay gacanta ku hayaan ganacsato aan u diirnaxeyn danta danyarta magaaladda isaga oo mid waliba kusoo daabulo badeeco tayadeedu hooseyso iyo daroogo kasoo gasha Cir, bad iyo dhul intaba taas oo saameysay dadka magaaladda. Waa magaalo qiimaha dhulka, kiradda, cunadda, dawadda, biyaha, korantadda, waxbarashadda iyo waxkastaba ka ganacsigeedu gacanta ugu jiro ganacsato aan dib ugu soo celin faa’iido weyn bulshadda ay ka macaashaan. Waa magaalo ay kusoo qulquleen dhalinyartu si ay waxbarasho, shaqo iyo nolol uga helaan maadaama aysan deegaanada ay ka imaanayaan ka jirin xarumo dabooli kara baahidda ay uga soo hayaameen. Muqdisho waa magaalo ay kusoo barakeen danyar, xoolo wixii ay lahaayeen abaaro, dagaalo iyo gabood fallo ay la kulmeen qasabtay in ay kasoo hayaamaan deegaanadooddii, magaaladana usoo aaday si ay nolol u helaan balse aan weli usuurtagelin isla markaana ay ku dayacan yihiin xarumihii ay daggeen. Nabad galyo, nolol, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo intaba kuma heystaan oo waa cidi uma maqna celna uma qodna. Waxa dadkaasi ku dul dhaca isbadalka sanadka ama xiliyada sida qabowga, roobabka, dabeylaha, kuleylka intas oo ay usii dheertahay dhibaatooyin tacadiyo oo lagula kaco sida kufsi, dhac iwm. Muqdisho waa magaalo ay dadku ay ku naawilaan sanadba kan ka dambeeya, nolol iyo rajo wanaagsan balse ay u korarto dhibaato, dhacdo midba mida ka dambeysa ay kasii darantahay oo fajac, madax xanuun, murugo iyo uurkutaalo leh. Muqdisho, waa magaalo dhibka ugu badan uu ku dhaco dhalinyarta haddii ay ahaan laheyd kuwa kujira shaqo, waxbarasho ama labadaba. Waa magaalo ay ka kaceen burcad, tuugo iyo ciyaal weero nolosha uquuru la’ dhalinyarta waddanka. Waa magaaladda habeen iyo maalin kasta la dilo qof, laba iyo kasii badan, waa magaalo u eg furin dagaal oo ay indhahaadu qabanayaan askar iyo gawaari dagaal oo ay aheyd in lagu ilaaliyo amniga muwaadiniinta balse lagu dhibaateynayo isla muwadiniintii. Muqdisho, waa magaalo madaxdeedu ay jeebabka ku guraneyso lacagta dadkeeda isla markaana aysan jirin cid ka xishooneysa ama u damqaneysa dadka ay masuulka uyihiin. Waa magaalo dadkeedu gaar ahaanse dhalinyarteeda gumaad lagu hayo, cid waxka qabatana aysan jirin. Waa magaalo madaxdii masuuliyadeeda qaaday ay iska tamashleynayaan oo aysan xal u heyn dadka ay madaxda uyihiin iyo dhibaatadda heysa. Waa magaalo marka aad dusha ka eegto foolxumeynteeda lagu qaato qandaraasyo, siyaasiyiintuna hormuud iyo raali uga yihiin. Muqdisho, waa wadne ay aheyd in wixii soo mara ay u gudbiso magaalooyinka intooda kale balse aysan muuqan cidii kaalintaas qaadan laheyd. Muqdisho waa sida wadne dhiig soo galay balse aan heyn awooddii uu ku gudbin lahaa una gaarsiin lahaa jirka intiisa kale. Awooddaasi, waxa ay tahay mid isugu jirta maamul dowladeed iyo mid gaar. Muqdisho, waa magaalo hayadaha ama shirikadaha ugu waa weyn ee maalgelined aysan maalgelintoodu gaarsiisneyn goboladda dalka. Waa magaalo xarumaha waxbarasho aysan adeega ay bixiyaan goboladda dalka ugu geynin dhalinyarta iyo bulshadaba. Waa magaalo hooggaankii dowladdu ku fashilmay in la nabadeeyo magaaloyinka iyo degmooyinka kale ee dalka, si adeegyadda shaqo, waxbrasho, caafimaad iyo waxqabad intaba dhalinyarta iyo bulshaduba deegaanadooda ugu helaan culeyskuna uga yaraado magaaladda. Muqdisho waa magaalo, loo soo hayaamay si nolol looga helo marki ay soo dhaafi waayeen waxyabahaha aasaaska nolosha u ah, dadkii gobaladda wadankuna badi magaalada usoo hayaameen. Muqdisho, waa magaalo ay dayaceen madaxda waddunku si weyna loo hagraday. Waa magaalo ay ka xoogsadaan nololna u ah malaayiinka kunool balse ugu biiray culeys amni iyo mid dhaqaale oo ay la kici la’yihiin, madaxduna dadka ku eeganeyso. Muqdisho, waa magaalo dhalinyartu go’aansadeen in ay iska iimaansadaan oo aysan naftooda ku halaagin badaha iyo saxarayasha, reerahooduna aysan gelinin welwel iyo murug maskaxiyeed saameysa noloshooda. Waxa ay go’aansadeen in ay xoogsadaan oo xoogoodda maalaan hadey ahaan laheyd farsamo gacmeed, dhismo ka shaqeyn, kaxeynta gaadiidka kala duwan sida bajaajta, tagaasida, mootoyinka deliveryga, xamuulka, xamaali iyo xoogsi kasta oo ay irsaaqad xalaal ah kula soo baxayaan noloshaadda iyo tan eheladoodana ka maareeyaan. Waxa dhalinyarta sidaasi ku shaqeysaneysa go’aana u gaartay halis ku ah askarta dowladda oo maalin kasta lasoo warinayo dhib ay u geysteen, hadde ogsoonow ilaha ay dowladdu ka hesho dhaqaalaha in ay tahay dhalinyartaasi iyo ganacsiyadda oo laga qaado canshuur bile ah. Bulshada canshuur ayaa laga qaadaa adeeg u qalmana ma helaan, nabadgalyo warked daa, waxase intaas udheer in dowladdii askarteeda ay ka nabadgali la’yihiin. Askarta oo idil dambigu mawada lahan, waase in kamid ah dowladduna indhaheedu ma arkaan shaqsiyaadkaas halista ku ah bulshadda. Muqdisho, baahida bulshadda haddi la tirayo oo ay waxkaqabashadeedu dowladdu leedahay aysana dhinaceeda u dhaqaaqin waxa laga qori karaa buugaag aan tiro laheyn. Maxaa la gudbood bulshadda gaar ahaanse dhalinyaradda oo dhibta ugu badani ku dhacdo? Dhalinyarta Muqdisho, waa kuwa ugu badan bulshadda ee dhibka ugu badani ku dhaco ha noqdaan bajaajley, xoogsato kale, arday iwm intaba. Waxa la gudboon dhalinyartu in ay ka dhiidhiiyaan dhibaatadda ku dhaceysa oo aan waxba layska weydiineynin si joogto ahna usoo noqnoqata. Waa in dhalinyartu sameysaa Shaqo joojin maalmo cayiman hadey ahaan laheyd kuwa kaxeeya gaadiidka xamuulka, bajaajta, tagaasiyadda, gawaaridda dadweynaha iwm. Waa in dhalinyarta waxbarshadda la siiyo maalmo fasax oo xurumaha waxbarshadda ah sida dugsiyadda iyo jaamacaddaha si dareenkooda ay usoo bandhigaan. Dhibka gaara dhalinyarta, waa mid ay dareento bulshadda inteeda kale, gaar ahaanse eheladda iyo waalidinta dhalinta maalin kasta la dhibaateeyo. Doodad ah muqdisho xalkeedu waxa uu ku jiraa bulshadda oo baraarugta waa been ay tahay in la beeniyo, lana tilmaamo in bulshadu tahay dhalinyarta. Dhibka gaara dhalinyartuna uu yahay mid xanuujinaya eheladda iyo waalidiintooda. Dhalinta waxa lagu leynayaa waa rasaas iyo daroogo, si taas xal loogu helana waa in dowladda lagu canaanto gaabiskeeda shaqo iyo dayaca kaalinteeda ee ilaalinta badqabka muwaadiniinta ay u dhaartay ilaalinta karaamadda, cirdiga iyo sharaftooda. Xooga dhalinyaradda oo lamideeyo ayaa xal loogu heli karaa dhibaatooyinka heysta dhalinyaradda, cidkasta oo sameysa abaabul iyo baraarujin dareenka dhalinyarta ee katashiga aayaha nabadgalyo iyo nololeed ee mustaqbalkooda waa mid ay tahay in lagu bogaadiyo, lana dhiirigeliyo. Mqormo iyo qoraalo laguma soo koobi karo, dhibaatada bulshadda waxase ay tahay in shaqsi kasta kaalintiisa uu qaato si wacyiga dhalinyarta loo soo jeediyo isla markaana xal dhab ah loogu helo dhibaatadda ku dhaceysa, midba mida kasii dambeysana ka xanuun badantahay. Allaha nabad iyo hoggaan wanaagsan dalka iyo dadka hasiiyo. Midnimadda iyo wadajirka dhalinyarta allaha haleeshiiyo, hormarka iyo iskaashiga eebbe ha ina waafajiyo dhalinyaro. Fariintaan, waad qaadan kartaa waad faafin kartaa, waadna codeyn kartaa, waxna waad ku dari kartaa adiga oo macnaheeda adkeynaya isla markaaana aan nuxurkeeda hoos udhigeynin. Wabilaahi Towfiiq. W/Q: Abdihakim Sheikh Abdullaahi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Muqdisho: Wadne shaqadii gebay oo howlgelin u baahan appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites