Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Aadan Madoobe iyo Hanafy El Gebaly oo kulan muhiim ah ku yeeshay Qaahira

Recommended Posts

Deeq A.   
334089268_1196994947602507_5460350597651

Qaahira (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo weli ku sugan magaalada Qaahira ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa dalka Masar Mudane Dr. Hanafy El Gebaly.

Kulanka oo ka dhacay xarunta baarlamaanka magaalada Qaahira ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xirirka dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo baarlamaanadooda.

Kulankan oo muhiim u ah labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa la isku af gartay in macaahida Masar ay ka helaan aqoon kororsi xildhibaannada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka si loo dhiso xirfada shaqaalaha.

Waxaa sidoo kale kulanka la isla gartay in la dhiso guddi saaxiibtinimo labada baarlamaan ee Soomaliya iyo Masar, iyadoo labada Xog-haye la faray ineey Ka shaqeeyaan dhaqan-gelinta qodobada la isku afgartay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowlada federaalka Soomaaliya gacan looga siin lahaa sugida amniga iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa Arbacadii gelinkii dambe gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

334098850_892290598659518_38023605007751

334562913_953245719173347_31882918972115

334208700_202851622427015_35032664496991

334772865_195705339773529_13906862487010

334089268_1196994947602507_5460350597651

334487830_244547834566386_67837620547263

334305921_1397009077778185_1468971211665

334203288_1174273663286969_5073886429579

The post Sawirro: Aadan Madoobe iyo Hanafy El Gebaly oo kulan muhiim ah ku yeeshay Qaahira appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this