Sign in to follow this  
Deeq A.

𝗫𝗢𝗚:- 𝗗𝗵𝘂𝗹 𝗤𝗮𝘆𝗯 𝗨𝘂 𝗟𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗮𝘆𝗻𝗲 𝗕𝗶𝗶𝘅𝗶 𝗢𝗼 𝗗𝗮𝗻𝗴𝘂𝘂𝗱 𝗟𝗼𝗼 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗕𝗮𝗹𝘀𝗲 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗟𝗮 𝗢𝗴𝗮𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗟𝗮𝗴𝗮 𝗡𝗼𝗾𝗱𝗮𝘆.

Recommended Posts

Deeq A.   
𝗫𝗢𝗚:- 𝗗𝗵𝘂𝗹 𝗤𝗮𝘆𝗯 𝗨𝘂 𝗟𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗮𝘆𝗻𝗲 𝗕𝗶𝗶𝘅𝗶 𝗢𝗼 𝗗𝗮𝗻𝗴𝘂𝘂𝗱 𝗟𝗼𝗼 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗕𝗮𝗹𝘀𝗲 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗟𝗮 𝗢𝗴𝗮𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗟𝗮𝗴𝗮 𝗡𝗼𝗾𝗱𝗮𝘆.
Dhismeyaasha kaabiga ku haya xeebta magaalada Berbera ee dhawaan dawladu u aqoonsatay dhul dan guud ah, ayaa wasarada hawlaha guud ay ka laabtay, kadib markii uu qayb kamid ah yeeshay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sida ay xiqiijiyeen ila xogogaal ah.
Warqadan Wareegda ah oo aan helay, ayaa loo raacay dhulka dan-guud loo aqoonsaday, basle laga noqday, waxana hubsiimo la,aan ku saxeexay Madxwayne Biixi oo aan ka war qabani, sida la sheegay, kadibn masuuliyiinta wasaarada hawlaha guud ayaa fuliyay iyaga oo war moog ah.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxtooyada Somaliland ay kaga daba tagtay, kuna amray masuuliyiinta wasaarada hawlaha guud inay ka laabtaan talaabadaasi ay dhulka danta guud ugu aqoonsadeen dhulka ku yaala xeebta magaalada Berbera ee 200 mitir wax ka yar u jira xeeliga Badda.
Masuuliyiinta wasaarada hawlaha guud oo fulinaaya amarkaasi madaxtooyada ka soo baxay, ayaa isuduwihii gobolka Saaxil ee ku dhawaaqay in dhulkaasi yahay dan guud ku wargaliyay inuu si degdeg ah uga laabto arintaas, taas oo uu fuliyay kagana laabta mudo seddex cisho ka yar.
Shacabka Somaliland ayaan hore uga war qabin in Madaxwayne Biixi dhulal kala duwan uu ku leeyahay sida ganacsatada, gobollada dalka qaar ka mid ah oo Berbera ku jirto.
Wasiirka Hawlaha Guud Mustafe Godane, ayaa maalintii uu xilka wasaaradaasi la wareegaayay looga dardaar weeriyay dadnna ugu duur xuleen, kulana balameen inuu ka fiirsado arimaha dhulka, maadama Madaxwayne Biixi u magacaabay wasaaradii ku shaqada lahaydh arimaha dhulka.
X/ Midnimo.
Muqaalka Danta guud lagu sheegay
Warka la noqoshada.
334544055_3430967667150513_6962278265092

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this