Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo kordhay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
334422064_170509185768158_80639357535469

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda fedederaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaaladaas oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobadlaha ee Golaha Wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Sidoo kale waxaa shirkan goobjoog ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ugu horreyntii shirka kusoo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaasi kadib madaxweynaha Soomaaliya oo la wareegay guddoonka shirka ayaa la wadaagay Golaha Wasiirada Jubbaland warbixin ku aadan safarkiisa Kismaayo iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Golaha uga warbixiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo wejiga labaad howlgalka ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka.

Dhankooda qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada ayaa shirka kusoo bandhigay waxqabadkooda, kadib warbixino ay la wadaageen madaxweynaha dowladda dhexe.

Waxaa sidoo kale la filayaa madaxweynuhu inta uu joogo Kismaayo inuu kulmo odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa dadaal gelin doono sidii xal loogu heli lahaa xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno kamid ah wafidgiisa.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, taasi oo heshiis looga gaaray xiisadii siyaasadeed ee dagaalka ka riday magaalada Baydhaba, midaasi oo u dhaxeysay madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi.

Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saaraya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

334426516_2291850507642424_5243162557840#image_title 323428961_1906826713006474_8018021206054#image_title 330167735_120615160956517_71712986241176#image_title 331298981_193200116729487_76538313764438#image_title 334419674_6076932312345481_2319503879826#image_title 334422064_170509185768158_80639357535469#image_titleThe post Maxaa kasoo kordhay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this