Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay wax ka qabanayso dilalka wadayaasha Mooto Bajaajta

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuqaal: Afhayeenka Xukuumadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG oo ka kooban 5 xubnood, kaas oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Sidoo kale waxaa Goluhu maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay dowladda Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay wax ka qabanayso dilalka wadayaasha Mooto Bajaajta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this