Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin rasmi ah oo laga soo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Maayirka degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa maanta warbixin rasmi ah ka soo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalka Laascaanood.

Maayirka oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Laascaanood ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ay ku dhinteen 210 qof oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen 680 ruux islamarkaana ay ku bara-kaceen dad gaaraya 200,000 kun.

Mudane Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan 715 guri ay ku burburiyeen dagaalka halka ay ku xirmeen 16,000 oo kamid ah xarumaha ganacsiga magaalada Laascaanood.

Duqa Laascaanood ayaa sidoo kale soo jeediyay in dhammaan ciidamada Somaliland laga saaro Laascaanood iyo degaannada hoosyimaada lana geeyo degmada Caynaba waxaana uu codsaday in gargaar banii’aadanimo la soo gaarsiiyo magaalada.

Hoos ka daawo muuqaalka Maayirka.

PUNTLAND POST

The post Warbixin rasmi ah oo laga soo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this