Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16776870889088010.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta galinkii dambe gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kismaayo u tagay dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab looga saarayo deegaannada Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in Madaxweyne xasan inta uu ku sugan yahay Kismaayo uu ka shaqeynayo xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this