Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka oo Daah-Furay Shir Looga Hadlayay Hormarinta Biyaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin kale duwan iyo kuwa ka socday Beesha Caalamka iyo saaxiibada daneeya Soomaaliya
Shirka oo , ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya, si looga hortago biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda, iyadoo xilligaan dalka ay ka jiraan Abaaro xoogan dadka ayku adag tahay in ar keydsadaan Roobka.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto. Xukuumadduna ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna.
, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxaha Al-shabaab  oo burburiyey ilo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi, xilli ay ciidanka dowladda kala kulmeen dagaallo looga saaray deegaanno badan.
Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Beeraha Dhirta iyo Waraabka, Wasaaradaha Heer Dowlad Gobaleed, Hay’adaha Deeq-bixiyeyaasha, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.
334494900_671996098026980_28546188185544
333533963_208196631741365_78860749178459
333528122_2032447010427588_7581511285452
333487034_1148720105804360_4121393018214
334449207_111702818449273_58365410634283
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this