Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedka shirka Muqdisho uga furmay Soomaaliya iyo beesha caalamka + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
334071411_1357968884962943_5940223564603

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya.

Shirka oo ay ka soo qeyb-galeen madax ka socota hey’adaha dowladda iyo beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa si gaar ah diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto.

Waxa uu sheegay in xukuumadda ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna.

Sidoo kale waxa uu xusay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay burburiyeen illo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda biyaha iyo tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasaaradda beeraha dhirta iyo waraabka, wasaaradaha heer dowlad gobaleed, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha, urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

333528438_722260959350698_37336504806307#image_title 333719255_144598101821623_50941994170491#image_title 333547408_143522221942922_23981663107622#image_title 333818279_1991950417810589_5141985678407#image_title Jamaal.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1#image_title Safiirka-Qatar.jpeg?resize=696%2C464&ssl#image_title 333680231_1350401965527236_6562424026155#image_title 334373240_590832239619469_42166753512857#image_title 334071411_1357968884962943_5940223564603#image_titleThe post Ujeedka shirka Muqdisho uga furmay Soomaaliya iyo beesha caalamka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this