Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Laascaanood joojintiisu Hargeysa ayuu gacanta u gu jiraa

Recommended Posts

Deeq A.   
Dagaalka, sidiisaba, foolxumo ayaa ka soo baxda, xataa hadii uu xaq yahay. Marka uu mid xaqdarro ah yahay, ee dad ehel ah dhex maraayo na, waa kan Laascaanood ka socdee, foolxumooyin ka sii waaweyn baa ka soo baxa. Dagaalkaas joojintiisu Hargeysa ayuu gacanta u gu jiraa, Hargeysa se nimaan talin jirin, talo na qaadan baa u cumaamadan. Hadii aanay sidaas ahayn, dagaalkani ma ba dhaceen. Marka ay sidaas tahay, taariikh baa is qoraysa.
Muuse iyo inta la talo ahi daadashada dhiigaas micno darada ah u heelanyihiin, mucaaridku na, nabadda iyo joojinta dhiigga ayay ku dadaalayaan. Qolada dhiig-doonka ahi kuwa nabad doonka ah waxa ay u bixiyeen cadowga gudaha, weli se kuwa dambe kuwa hore magac u ma bixin. Qolada nabad-doonka ahi ilaa hadda laba wax oo waaweyn ayay ku dhaqaaqeen –
(1),ololihii Muuse ee ‘Tolaay yaa Isaaqaheey’, waa ka la daadiyeen oo maanta taasi ma jirto. Marka 2aad na, oo runtii ta hore la miisaan ah amma ka ba culus, jihadii dagaalka la doonaayay in la mariyo, oo ah in dadka Reer-Sool ay argagixiso yihiin, maya ayay yidhahdeen. Dadka Reer-sool in aanay argagixiso ahayn, dagaalku na yahay mid sokeeye oo dad ehel ah dhex maraaya, xalkiisu na aanu xabbad ahayn ayay sheegeen.
Laba talaabo oo aad muhiim u ah, taariikhda qormaysa na baal dahab ah ka gelaaya weeye. Sidaas oo ay tahay, mar hadii xabbaddii weli socoto, wiilashii masaakiinta ahaa na labada dhinac ba ku dhimanayaan, intaasi ma ku filna. Mucaaridku hadii ay moodaan intaas in waajib ka ga dhacay, waa gefsanyihiin. Waxa loo baahanyahay talaabooyin hor leh iyo dadaal aan ka la joogsi lahayn, maxaa yeelay dhiig-doonayaashii bilaa caqliga ahaa weli dadalkoodii waa wadaan. Mucaaridku waa in ay shirar hor leh qabtaan, oo dhalinyarta iyo waayeelka ba abaabulaan. Waa in la so saaro qorshe nabadeed oo sabab u noqda in dagaalku joogsado. Waa in ay mudaharaaddo ku baaqaan, ciidanka na u sheegaan in ay amar-diiddo sameeyaan, la mid ah tii dhawaan ay Tukaraq ka ga soo baxeen. Aamuska mucaaridka ee maalmahan waxa loo qaadan karaa in ay is dhigteen, hadii ay jirto na waa qalad.
haaruun.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this