Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay laba sharci oo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaanada-baarlamanka.jpeg?fit=2048%

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa lagu ansixiyay laba hindise-sharci oo muhiim ah, kuwaasi oo maalmihii dambe uu golaha si weyn uga doodayay.

Kulanka oo ay soo xaadireen 147 Xildhibaan ayaa waxa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka Dhowrista Maal-gashadayaasha iyo Maalgashiga, waxaana sharcigaan u codeeyay 145 xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, mana jirin wax diiday.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-galinta Dadweynaha, waxaana sharcigaan u codeeyay 146 Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, sidoo kale wax diiday ma jirin.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta hindise sharciyeedka dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga iyo marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-galinta dadweynaha.

Sidoo kale ajendaha maanta waxaa ku jirta qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada.

Ugu dambeyntii ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo shir guddoomineysay ayaa soo xirtay kulanka maanta, iyada oo sheegtay in ay ansax-yihiin labadaasi sharci.

Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood.

Bishii hore ayay aheyd markii guddoonka Golaha Shacabka la sheegay in uu si sharci darro ah ku ansixiyay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo guddoonka golaha uu xilligaas sheegay in uu ansax-yahay.

The post Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay laba sharci oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this