Sign in to follow this  
Deeq A.

Bola Tinubu oo la sheegay in uu ku guulaystay doorashada madaxtinimada Nigeria

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharaxa xisbiga talada haya ee Bola Tinubu ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada lagu muransan yahay ee ka dhacday Dalka Nigeria.

70-jirka rug cadaaga ah ayaa helay 36% codadkii la dhiibtay, sida ay muujinayso natiijada rasmiga ah.

Ninka la tartamayay ee Atiku Abubakar ayaa helay 29%, halka Peter Obi oo ka tirsan xisbiga Labour-ka uu helay 25%.

Axsaabta kale ayaa goor sii horeysay ku gacan seyray doorashada oo ay ku tilmaameen mid been abuur ah, waxayna dalbadeen in dib loogu noqdo doorashada.

Mr Tinubu waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu qanisan Nigeria, wuxuuna ololihiisa ku saleeyay dib u dhiska magaalada ugu weyn ee Lagos oo uu mar ka ahaa  guddoomiye.

PUNTLAND POST

The post Bola Tinubu oo la sheegay in uu ku guulaystay doorashada madaxtinimada Nigeria appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this