Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Ansixiyay Sharciyo Muhiim

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xanta Villa Hargeysa ansixiyay hindise sharciyeedyo, kuwaas oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo horay uga soo gudbay golaha wasiirrada xukuumadda federalka.
Kulanka ayaa xildhibaanna ku meel mariyeen hindise sharciyeedyo kala ah: Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga’, kaas oo ay soo gudbisay wasaadda Qorsheynta iyo Maalgashiga. waxaana sharcigaan u codeeyey 145 Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin.
Mudanayaasha golaha shacabka ayaa sidoo kale akhrinta 3-aad, marsiiyay oo u codeyey  hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib-u heshiisiinta, sharciga ayaa sidoo kale cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay gabagabadii kulanka.
Xildhibaannada ayaa dhinaca kale  ajendaha maanta waxaa ku jirtay qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada, wasiirrada arrimaha gudaha iyo qorsheynta oo golaha horyimid ayaa uga mahadceliyay meel marinta sharciyaad oo muhiimad gaar ah u leh dalka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this