General Duke Posted February 18, 2008 Muqdisho: Madaxweyne Yuusuf oo la kulmay Salaadiinta dhaqan ee Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaaliya ee Muqdisho. 17. februar 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo shalay ka duulay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa tagey Magaalada Muqdisho ,ka dib bilo uu ka maqnaa Vila Soomaaliya wuxuuna bilaabay la kulmida qeybaha ay ka go'odo tallada Magaalada Xamar. Madaxweyne Yuusuf ayaa la shiray markii uu Shalay tagey Magaalada Muqdisho ,Saraakiishiisa amaanka ee kusugnaa Magaalada Muqdisho ,wuxuuna kala hadlay xaalada amaan ee Caasumada iyo sida ugu bahoon ee markale Magaalada Muqdisho nabadeeda loo soo celin karo. Saraakiisha amaanka ayaa usheegay Madaxweynaha Soomaaliya in amaanka Caasumadu yahay mid wanaagsan ,ayna hada ciidamada kala duwan ee dowlada Soomaaliya wataan howlahoodii Shaqo ayna ku rajo weyn yihiin in ay ciidamada dowlada Soomaaliya ,kuwa Itoobiya iyo AMISOM ku guuleystaan amaanka Magaalada ay Rabshaduhu ku baaheen ee Xamar. Taliyaashan ayaa sidoo kale soo bandhigey waxqabadkii ay qabteen ciidamadooda kala duwan tan iyo markii uu Madaxweyne Yuusuf ka duulay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ,waxa ayna sheegeen in ay jiraan waxyaabo badan oo la qabtey oo horumar lugu tilmaamo karo ayna jiraan waxyaabo lugu guuleysan la'yahay. Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale ayaa la kulmay maanta sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Salaadiinta dhaqanka ee Magaalada ,iyo dhamaanba waxgaradka ay ka go'odo tallada Muqdisho ,wuxuuna kala hadlay sida ugu bahoon ee xaalada Caasumada wax looga qaban lahaa. Salaadiinta dhaqanka & Madaxweynaha kulankoodan oo ahaa mid albaabada loo xirey wuxuu ku saabsanaa amaanka ,waxa ayna sheegayaan wararku in ay isla meel dhigeen Madaxweynaha iyo Salaadiintu qodobo badan oo ku aadan Xasalinta guud ee Soomaaliya gaar ahaana Caasumada. Odayaasha dhaqanka ayaa usheegay Madaxweyne Cabdulaahi in ay dowladiisu qabtey waxyaabo la taaban karo ,ayna uharsan yihiin howlo badan oo baaxad leh ayna horyaalaan Xasalinta amaanka laga bilaabo Caasumada ilaa heer Tuulo iyo dibu heshiisiin balaaran oo ayna sugeysa Madaxweyne Yuusuf. Waxa ay balanqaadeen Salaadiintan in ay Dowlada Soomaaliya kala shaqeynayaan amaanka dalka Soomaaliya gaar ahaana mid Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho oo ah halka ay ka taagan tahay dhibaatada faraha badan ee ka jirta dalka Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan. Wada hadaladan uu bilaabay Madaxweynaha Soomaaliya ka dib tagidiisii Muqdisho ayaa ku soo beegantay xili xaalka amaan ee Caasumadu yahay mid ay wali ku guuleysan la'yihiin ciidamada faraha badan ee Magaalada jooga taasna waxaa sababihii ugu danbeeyey lugu sheegay arimaha ka jira Muqdisho oo leh wajiyo badan. Faarax Cabdulqaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 18, 2008 Muqdisho: " Madaxweyne Yuusuf wuxuu diyaar uyahay la hadalka Cid walboo rabta nabada Soomaaliya waxaana dirney Dhambaal" Afhayeen uhadlay Madaxweyne Yuusuf. 17. februar 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Ka saacado soo laabashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa Afhayeenkiisa gaarka ah ee Warbaahinta wuxuu sheegay Saxaafada war ku saabsan Mawqifka Madaxweyne Cabdulaahi. Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Xaafiiska Madaxweyne Yuusuf laga diray dhambaal qoraal ah loona diray Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,balse ma uusan sheegin Koox-da loo diray. Xuubsireed wuxuu sheegay in Madaxweyne Yuusuf diyaar uyahay la hadalka iyo la xaajoodka cid walboo ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayna muhiim tahay in Kooxahaasi ay doonayaan in ay Soomaaliya ka dhacdo nabad waarta ,isagoo ugu baaqay cid walboo ka soo horjeeda dowlada Soomaalida in ay tagaan Miiska wada hadalka. Afhayeenkan wuxuu sidoo kale sheegay in uu Madaxweynuhu daneynayo in uu meeshii walba uu kala hadlo kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo markaasi eegaya danaha Umada Soomaaliyeed ,Israaca umada iyo nabad waarta oo ka hana qaada Gudaha Soomaaliya. " Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu doonayaa nabadgalyo lugu soo celiyo Muqdisho ,wuxuu sidoo kale daneynaa amaan waara oo ka dhaca Soomaaliya ,wuxuuna ku naaloonayaa Soomaalida oo israacda midowdana waxaana dhowreynayaa Dhambaal aan udirney kooxaha naga soo horjeeda" Ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca Saxaafada oo warbaahinta la hadlay Saacado ka dib soo laabashadii Madaxweyne ee Xamar. Mawqifka Wada hadalka ayaa wax laga weydiiyey Xuubsireed ,isagoo sheegay in ay Madaxweynaha Soomaaliya & Raysalwasaaruhu isla meel dhigeen qaabka wada hadalka ,loona dajiyay Jadwal ay kula kulmaan Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya. Warkan ka soo baxay Laanta Warbaahinta ee Xaafiiska Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ku soo beegmaysa xili uu saacado joogo Muqdisho ,Madaxweynuhu uuna la kulmayo Masuuliyiin kala duwan oo dhamaantood uu kala hadlayo la kulanka & Dibu heshiisiinta Soomaalida ku heshiin lahayd. Horey Madaxweynaha Soomaaliya Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed wuxuu ugu dhaartey in ay ka go'an tahay ka shaqeynta nabad waarta oo ka dhacda ,isagoo markaasi ka dib wadey dadaalo ku aadan sidii Ay Soomaaliya markale cagaheeda isku taagi lahayd ,ayna ula siman lahayd dhamaanba dowladaha Africa ugana dhex muuqan lahayd Calamada dowladaha Caalamka. Faarax Cabdulqaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 18, 2008 Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde oo sheegay in mucaaradka lala hadli karo marka laga reebo kooxo Argagaxiso ah. Last Updated::2008-02-17 11:58:18 Nairobi(HRNet):-Ra’iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Somalai Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay wada hadalka la filayo inuu u furmo Dowlada iyo Mucaaradka. Ra’iisul-wasaaraha ayaa sheegay in Somalia ay kamid tahay dalalka ugu dagaalada badan caalamka ayna kaalinta 1aad ka gashay dalalkaasi. Mar uu ka hadlay wada hadalada ayuu sheegay inay la furi doonaan wada hadalada badi mucaaradka Asmara ku sugan marka laga reebo kooxo uu ku sheegay inay Argagaxiso yihiin kana soo dagaalameen wadamada Ciraaq iyo Afghanistan sida uu hadalka u dhigay. “Adeer, waan la kulmeynaa inta badan mucaaradka Asmara fadhiya, marka laga reebo kooxaha aan naqaan adduunka ka diiwaan gashan ee Argagaxisada ah kana soo dagaalamay Ciraaq iyo Afghanistan” ayuu yiri Nuur Cadde. Nuur Cadde waxuu sheegay inay xukuumadiisa la shaqeyso CIA-da Mareykanka, isla markaana ay isku kaashan doonaan sidii kooxaha uu ku tilmaamay Argagaxisada ee Somalia joogta cagta loo marin lahaa. Hadalka RW.Nuur Cadde ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan la filayo in kulan yeesheen Dowlada KMG ah iyo Kooxaha Mucaaradka ku ah. Abdifitahaam Ahmed abdifitahaam@hotmail.com HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 18, 2008 Madaxwaynaha oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada iyo odayaasha dhaqanka. Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo shalay ka duulay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa tagey Magaalada Muqdisho ,ka dib bilo uu ka maqnaa Vila Soomaaliya wuxuuna bilaabay la kulmida qeybaha ay ka go'odo tallada Magaalada Xamar. Madaxweyne Yuusuf ayaa la shiray markii uu Shalay tagey Magaalada Muqdisho ,Saraakiishiisa amaanka ee kusugnaa Magaalada Muqdisho ,wuxuuna kala hadlay xaalada amaan ee Caasumada iyo sida ugu bahoon ee markale Magaalada Muqdisho nabadeeda loo soo celin karo. Saraakiisha amaanka ayaa usheegay Madaxweynaha Soomaaliya in amaanka Caasumadu yahay mid wanaagsan ,ayna hada ciidamada kala duwan ee dowlada Soomaaliya wataan howlahoodii Shaqo ayna ku rajo weyn yihiin in ay ciidamada dowlada Soomaaliya ,kuwa Itoobiya iyo AMISOM ku guuleystaan amaanka Magaalada ay Rabshaduhu ku baaheen ee Xamar. Taliyaashan ayaa sidoo kale soo bandhigey waxqabadkii ay qabteen ciidamadooda kala duwan tan iyo markii uu Madaxweyne Yuusuf ka duulay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ,waxa ayna sheegeen in ay jiraan waxyaabo badan oo la qabtey oo horumar lugu tilmaamo karo ayna jiraan waxyaabo lugu guuleysan la'yahay. Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale ayaa la kulmay maanta sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Salaadiinta dhaqanka ee Magaalada ,iyo dhamaanba waxgaradka ay ka go'odo tallada Muqdisho ,wuxuuna kala hadlay sida ugu bahoon ee xaalada Caasumada wax looga qaban lahaa. Salaadiinta dhaqanka & Madaxweynaha kulankoodan oo ahaa mid albaabada loo xirey wuxuu ku saabsanaa amaanka ,waxa ayna sheegayaan wararku in ay isla meel dhigeen Madaxweynaha iyo Salaadiintu qodobo badan oo ku aadan Xasalinta guud ee Soomaaliya gaar ahaana Caasumada. Odayaasha dhaqanka ayaa usheegay Madaxweyne Cabdulaahi in ay dowladiisu qabtey waxyaabo la taaban karo ,ayna uharsan yihiin howlo badan oo baaxad leh ayna horyaalaan Xasalinta amaanka laga bilaabo Caasumada ilaa heer Tuulo iyo dibu heshiisiin balaaran oo ayna sugeysa Madaxweyne Yuusuf. Waxa ay balanqaadeen Salaadiintan in ay Dowlada Soomaaliya kala shaqeynayaan amaanka dalka Soomaaliya gaar ahaana mid Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho oo ah halka ay ka taagan tahay dhibaatada faraha badan ee ka jirta dalka Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan. Wada hadaladan uu bilaabay Madaxweynaha Soomaaliya ka dib tagidiisii Muqdisho ayaa ku soo beegantay xili xaalka amaan ee Caasumadu yahay mid ay wali ku guuleysan la'yihiin ciidamada faraha badan ee Magaalada jooga taasna waxaa sababihii ugu danbeeyey lugu sheegay arimaha ka jira Muqdisho oo leh wajiyo badan. Xigasho allpuntland. AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba. Quote Share this post Link to post Share on other sites