Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Mareykanka Oo 5 Milyan Oo Doollar Duldhigtay Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay abaal marin lacageed oo gaadheysa 5 Milyan oo doollar oo ay duldhigtay Afhayeenka guud ee kooxda Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere.

Barnaamijka abaal marinta Cadaaladda ee Waaxda arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in afhayeenka guud ee kooxda Al-shabaab Cali Dheere inuu ku lug lahaa qorsheynta weeraro argagixisada ay ka fulisay gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Afhayeen Cali Dheere ayaa ka mid ah horjoogayaasha sar sare ee Ururka Al-shabaab ee waji ahaan inta badan kasoo muuqda Warbaahinta kooxda ay leedahay, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo hore la sheegay in lagu dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gudaha Soomaaliya, hayeeshee wararkaasi markii dambe ay beenoobeen.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda Mareykanka ay dul dhigto lacaga abaal marin ah horjoogayaasha sare ee Kooxda Al-shabaab, waxaana tallaabadaani ay kusoo beegmeysa iyadoo inta badan gobolada dalka ay ka socdaan dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo inta badan looga saaray deegaano iyo degmooyin badan oo ay hore uga talin jirtay kooxda.

2023228638131810644993973.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this