Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Duqeymo La Sheegay In Loo Gaystay Cisbitaalka Guud Ee Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidankeeda aanu marnaba bar-tilmaameedsanayn xarumaha bulshada sida cisbitaallada iyo dugsiyada xilli mar sii horreysay ay jireen warar tibaaxaya in dhowr madfac ay maanta ku dhaceen cisbitaalka guud ee magaalada Laasacaanood.

“Wararkan been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada ayaa ah kuwo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida muuqaaladii hore lagu arkay, xarumaha waxaa si badheedh ah u waxyeeleeya kooxo wajiyo badan leh oo gacan saar la leh kooxaha nabad diidka ah iyo argagixisada,” ayaa lagu yidhi qoraalkaas ka soo baxay wasaaradda Difaaca ee Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this